Dhuusamareeb: Wafdi heer federaal ah oo ka kooban laba senator iyo laba xildhibaan oo laga soo doorto deegaannada Galmudug ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, xarunta maamulka Galmudug. Wafdigan ayaa la sheegay in lagu keenay diyaarad gaar ah, iyadoo socdaalkooda uu ku soo beegmayo xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Sida ay tilmaamayaan ilo xog ogaal ah, xubnaha wafdigan ayaa ah siyaasiyiin si dhow ula shaqeyn jiray Madaxweyne Qoor Qoor, isla markaana lagu yaqaan inay xiriir wanaagsan la leeyihiin hoggaanka Galmudug. Dowladda Federaalka ayaa la rumeysan yahay inay u xilsaartay inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug.
Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in wafdiga loo diray inay Madaxweyne Qoor Qoor kala hadlaan mustaqbalka hoggaanka maamulka iyo sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed oo lagu soo afjaro muranka ka dhex aloosan Villa Soomaaliya iyo madaxda Galmudug. Ilo wareedyo ku dhow arrimaha socda ayaa tilmaamaya in dowladda dhexe ay doonayso in khilaafka lagu xalliyo wadahadal iyo heshiis siyaasadeed oo aan horseedin qalalaase amni ama mid siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, xogaha hordhaca ah ee soo baxaya ayaa muujinaya in Madaxweyne Qoor Qoor uusan si weyn ugu qanacsanayn wafdiga loo soo diray. Waxaa la sheegay in aanu si rasmi ah u maamuusin soo dhoweyntooda, taasoo ay falanqeeyayaashu u arkaan fariin siyaasadeed oo muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka jira.
Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa muddooyinkii dambe si isa soo taraysa uga dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya. Galmudug ayaa ka mid ah maamullada door muhiim ah ku leh geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, iyadoo xiriirka u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Villa Soomaaliya uu saameyn ku yeelan karo arrimo badan oo la xiriira amniga, doorashooyinka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in xal kasta oo laga gaaro khilaafka Galmudug uu noqon karo mid saameyn ku yeesha guud ahaan xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Sidaas darteed, indhaha siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa ku wajahan natiijada ka soo baxda wada-hadallada la filayo inay maalmaha soo socda ka dhacaan Dhuusamareeb.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka ama Madaxtooyada Galmudug oo si faahfaahsan uga hadlaya ujeeddada wafdigan iyo waxyaabaha ay kala hadleen Madaxweyne Qoor Qoor. Hase yeeshee, wararka la helayo ayaa muujinaya in dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ay weli socdaan, inkastoo aan la saadaalin karin natiijada ay ku dhammaan doonaan.

