• Home  
  • Qoor Qoor oo diiday Ergadii loo soo diray.
- WARARKA

Qoor Qoor oo diiday Ergadii loo soo diray.

Axmed Qoor Qoor Madaxwaynaha Muda dhaafka ah ee Galmudug ayaa diiday inuu qaabilo Xumnaha Ergada ah ee Dowladu u soo dirtay kuwaas oo Shalay Galinkii dambe soo gaaray Dhusamareb. Sida aan ku helnay warar hoose waxa ay sheegayaa in Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu diiday inuu la kulmo Xildhibaanada iyo Sanarada ka […]

Axmed Qoor Qoor Madaxwaynaha Muda dhaafka ah ee Galmudug ayaa diiday inuu qaabilo Xumnaha Ergada ah ee Dowladu u soo dirtay kuwaas oo Shalay Galinkii dambe soo gaaray Dhusamareb.

Sida aan ku helnay warar hoose waxa ay sheegayaa in Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu diiday inuu la kulmo Xildhibaanada iyo Sanarada ka socday Dowlada Faderaalka kuwaas oo ukala dabqaadaya labada dhinac si loo dhameeyo ama loo xaliyo Qilaafka ka dhextaagan labada dhinac.

Xubnahaan ayaa ah kuwa ugu dhow Qoor Qoor oo ay siyaasada shuraako ku ahaayeen waxa ayna kala yihiin Sanatar C/xakiin Macalin Axmed maalin, Sanatar Axmed Cabdi Dhuxulow (Dhagdheer), Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas ( Dhageey) iyo Xildhibaan Ilyaas Sh Axmed afartaan xubnood ayaa loo arkaa inay la soo hadli karaan Qoor Qoor waxna ka soo dhaadhi karaan balse waxaa muuqata inuu iska diiday ayna noqan doonaan Ergadii ugu dambaysay ee Dowladu soo dirto hadaan wax isbadalin.

Ilo xog ogaal ayaa xaqiijiyey in Qoor Qoor uu quudaraynayo inuu qabsado Doorasho ka madaxbanaan mida Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya waxaa xusid mudan in abaabul ciidan ay wado Madaxtooyada Galmudug si ay isu difaacdo sida ay heshay Warbaahinta Dunida Maanta saacadaha soo socda wixii soo kordha isha ayaan ku hayn doonaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™