Magaalada Xananbuure ayaa Maalintii sadaxaad waxaa ka socda Diiwaangalinta Codbixiyaasha Dadwaynaha waxaana halkaas ku sugan Shaqaalaha Diiwaangalinta ee Guddiga Doorashooyinka shaqada ayaana u socota si habsami leh.
Diiwaangalinta Maalinta Sadaxaad ee Xananbuure ayaa Dadka is diiwaangalinaya waxaa ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Deegaanka, Dhalinyarada, Aqoonyahanada Deegaanka, Haweenka iyo dhamaan Buldhada Magaalada Xananbuure halkan ayaana ka mid ah Meelaha Dadkii ugu badnaa laga diiwaangaliyo.
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si wayn uga socda Ololaha Doorashooyinka iyo Diiwaangalinta oo is barbar sida Dadka ayaana hada u muuqda kuwo u bisil inay qayb ka noqdaan Doorashooyinka Qof iyo Cod ee Hada ka socanaya Dalka iyadoona Bilaha soo aadan la filayo inay bilaabato Doorashu.
Dhinaca kale waxaa taagan Qilaafka Siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxwaynaha Galmudug iyo Dowlada Federaalka ah kaasoo meel xasaasi ah maraya waxaana asal u ah Qilaafkan Hanaanka Doorashooyinka iyo sidii loo qaban lahaa mana muuqato wada saxa oo labada dhinac isugu soo dhowaanayaan.
Ugu dambayn Ururda Siyaasada ee Diiwaangashan ayaa dhankooda wada Oloaha iyo u diyaargarowga Doorashooyinka Magaalooyinka Galmudug ayeyna inta badan ka furteen Xafiistadooda si Doorashada ay ugu diyaargaroobaan.











