Warar iyo xog ururin ay samaysay Warbaahinta Dunida Maanta ayaa muujinaya in deegaanno ka tirsan Galmudug ay ka soo baxayaan cabashooyin ku saabsan shaqsiyaad la sheegay inay xog ka ururinayaan dadka iska diiwaangelinaya goobaha loo asteeyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Sida ay heshay Warbaahinta Dunida Maanta, shaqsiyaad gaar ah ayaa lagu arkayaa qaar ka mid ah goobaha diiwaangelinta, kuwaas oo dadka marka ay dhammeystaan diiwaangelinta ka qaadanaya warqadaha loo bixiyo, kadibna sawirro ka qaadaya ama ku qoraya xogtooda habab elektaroonik ah oo ay ku jiraan linkiyo iyo foomam dijitaal ah.
Baaritaan iyo u kuurgalid ay samaysay Warbaahinta Dunida Maanta ayaa lagu xaqiijiyey in dhacdooyinkan ay inta badan ka dhacayaan goobaha ka baxsan xarumaha waaweyn ee magaalooyinka. Dadka arrintan ku lugta leh ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan, kuwaas oo adeegsanaya habab kala duwan oo lagu ururinayo xogta dadka is diiwaangeliyey.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in shaqsiyaadkan ay sitaan linkiyo iyo foomam ay ku buuxinayaan macluumaadka dadka, iyagoo sawirro ka qaadaya warqadaha la siiyo muwaadiniinta marka ay dhammaystaan diiwaangelinta. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac ku saabsan ilaalinta xogta gaarka ah ee shacabka iyo sida loo maareynayo macluumaadka la ururinayo.
Dadka qaarkood ayaa cabsi ka muujinaya in xogta laga qaadayo ay saameyn ku yeelan karto xorriyadda codbixiyaha iyo awoodda uu u leeyahay inuu si madax-bannaan uga qeyb qaato geeddi-socodka doorashooyinka. Waxaa sidoo kale jirta walaac ah in muwaadiniinta qaarkood aanay si buuxda uga warqabin halka ay ku dambaynayso xogta laga qaadayo iyo cidda gacanta ku haysa.
Dhanka kale, waxaa jira su’aalo badan oo ku saabsan doorka hay’adaha masuulka ka ah doorashooyinka iyo heerka ay kala socdaan arrimahan. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo si cad uga hadlaya cabashooyinkan iyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo badqabka xogta muwaadiniinta.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in guddigu bulshada u caddeeyo haddii ay jiraan sharciyo ama habraacyo lagu xakameynayo ururinta xogta dadka is diiwaangelinaya, gaar ahaan marka ay sameynayaan shaqsiyaad aan si toos ah uga tirsanayn hay’adaha dowladda ama guddiyada doorashooyinka.
Bulshada ayaa sugaysa jawaabaha su’aalaha muhiimka ah ee ku saabsan arrintan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Ma la socdaa guddigu xog ururintan? Haddii ay jirto xog rasmi ah oo laga hayo dhacdooyinkan, maxaa laga qaban karaa? Sidoo kale, waa maxay fariinta iyo wacyigelinta ay hay’adaha doorashooyinku u gudbinayaan shacabka si looga hortago tallaabooyin kasta oo keeni kara jahwareer ama walaac ku saabsan geeddi-socodka diiwaangelinta?
Arrintan ayaa noqon karta mid u baahan baaritaan iyo faahfaahin dheeraad ah si loo xaqiijiyo hufnaanta diiwaangelinta iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

