Sanataro iyo Xildhibaano laga soo doorto Galmudug ayaa Dowladu u soo dirtay Qoor Qoor si ay ugu qanciyaan inuu Meesha baneeyo.
Wafdiyaan oo ka kooban laba Sanatar iyo Laba Xildhibaan ayaa Galinkii dambe ee Maanta soo gaaray Magaalada Dhusamareb waxaana keentay Diyaarad qaas ah.
Xubnahaan ayaa u yimid sidii ay Qoor Qoor ugu qancin lahaayeen sidii uu Madaxtooyada Galmudug ku banayn lahaa Qalalaase la’aan taaso ah in halkaas qilaafka lagu afjaro u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Axmed Qoor Qoor.
Xogta sida aan ku helnay Xubnahaan ayaa ah kuwa ugu dhow Qoor Qoor lana aaminsanaa inay ka dhaadhicin karaan sidii uu meesha ku banayn lahaa.
Wararka hoose oo ay heshay Warbaahinta Dunida Maanta ayaa tibaaxaya in Qoor Qoor aanu ku qanacsanayn Saaxiibadiis Waaya-arag oo Dowladu soo dirtay xitaa soo dhowayntooda ma uusan maamuusin waxaa la filayaa inay Gacmo maran kala laaban doonaan.

