• Home  
  • Ciidamada Amaanka oo Hotel Elite Gudaha ugalay.
- WARARKA

Ciidamada Amaanka oo Hotel Elite Gudaha ugalay.

Hotel-ka Elite ee saaran Xeebta Liido ayaa waxaa gudaha ugalay baaritaan Hubna ka sameeyey Ciidamada Amaanka oo aad u hubaysan sida uu xaqiijiyey Milkiilaha Hotelka walow uu Dowlada Eedeyn u jeediyey. Muqdisho: Ciidamada ammaanka ayaa maanta gudaha u galay Elite Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay inay halkaasi ka wadaan baaritaanno la […]

Hotel-ka Elite ee saaran Xeebta Liido ayaa waxaa gudaha ugalay baaritaan Hubna ka sameeyey Ciidamada Amaanka oo aad u hubaysan sida uu xaqiijiyey Milkiilaha Hotelka walow uu Dowlada Eedeyn u jeediyey.

Muqdisho: Ciidamada ammaanka ayaa maanta gudaha u galay Elite Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay inay halkaasi ka wadaan baaritaanno la xiriira hub sharci-darro ah.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlgalka hub ka dhigista ee ciidamada ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho, kaddib dagaalladii maalmihii la soo dhaafay dhex maray dowladda iyo mucaaradka.

Booliiska

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada ka socday baaritaanno iyo uruurinta hubka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan xaafadaha Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, milkiilaha Elite Hotel, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka ay maanta ciidamada ammaanku ka fuliyeen hotelka, isagoo dowladda ku eedeeyay inay ku xadgudbayso hantidiisa.

Facebook

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Juun, saacaddu markay ahayd 11:30 subaxnimo, ayay ciidamo aad u hubeysan soo galeen Elite Hotel, iyagoo sheegay inay raadinayaan walxo qarxa sida miinooyin iyo agab kale oo la xiriira amniga,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sida uu sheegay, ciidamada ayaa gudaha u galay hotelka, waxayna amar ku siiyeen isaga iyo shaqaalihii goobta joogay inay bannaanka uga baxaan dhismaha. Wuxuu xusay in ciidamada ay sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan hotelka, balse uu markii dambe la yaabay qaabka howlgalka loo fuliyay.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in intii uu socday howlgalka ay ciidamada jebiyeen albaabbo iyo qaybo ka mid ah hantida hotelka, isla markaana ay sawirro ka qaadeen walxo ay ku sheegeen hub culus oo lagu arkay gudaha goobta.

Booliiska

Waxa uu intaas ku daray in subaxnimadii la sameeyay howlgalka la xiray hotelka, iyadoo la hakiyay shaqadii iyo adeegyadii ganacsi ee halkaasi ka socday. Sida uu sheegay, arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo shaqaalaha ku tiirsanaa hotelka.

Milkiilaha Elite Hotel ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada howlgalka fuliyay ay mas’uuliyadda dhacdadaasi dusha uga tureen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu ku baaqay in si hufan loo caddeeyo sababta rasmiga ah ee keentay howlgalka iyo wixii ka dhashay.

Ugu dambeyn, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa dalbaday in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdada, si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka la xiriira howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay, isla markaana loo ilaaliyo xuquuqda ganacsatada iyo hantidooda.

Sida ay warbaahinta Dunida Maanta xogta ku helayso, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda Taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu soo bandhigo hub iyo gaadiid dagaal oo la sheegay inay yihiin natiijada howlgalka hub uruurinta ee ka socda Muqdisho.

Booliiska

Dhanka kale, mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay in hubkooda ay dowladda la wareegto, iyagoo ku doodaya in tallaabadaasi ay ka hor imanayso sharciga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™