Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in beesha caalamku waddo qorshe lagu abaabulayo shir ay wada fadhiisanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka mucaaradka, si xal siyaasadeed loogu raadiyo qodobada muranka dhaliyey. Shirkan ayaa la filayaa inuu noqdo mid muhiim u ah mustaqbalka wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda iyo sidii loo gaari lahaa is-afgarad qaran.

Muqdisho: Xubno matalaya hoggaanka mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wakiillo ka socday beesha caalamka, xilli la filayo in dadaallo dhexdhexaadin ah lagu bilaabo xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.
Kulanka ayaa waxaa dhinaca mucaaradka uga qeyb galay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Caynte, kuwaas oo loo xil saaray inay matalaan aragtida iyo mowqifka mucaaradka ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Mas’uuliyiintan ayaa la kulmay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhacdooyinkii iyo iska horimaadyadii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, arrimaha doorashooyinka, iyo baahida loo qabo in si degdeg ah loo helo hannaan doorasho oo ay ku heshiiyaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallo ay beesha caalamku ku doonayso inay isugu soo dhaweyso Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kadib markii khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac uu gaaray heerkii ugu sarreeyey toddobaadyadii la soo dhaafay.
Xiisadda siyaasadeed ayaa marar kala duwan isu beddeshay gacan-ka-hadal iyo isku dhacyo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida dalka iyo mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Inkasta oo haatan ay muuqato in xiisaddaasi la qaboojiyey, haddana weli waxaa jira kala aragti duwanaansho weyn oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in beesha caalamku waddo qorshe lagu abaabulayo shir ay wada fadhiisanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka mucaaradka, si xal siyaasadeed loogu raadiyo qodobada muranka dhaliyey. Shirkan ayaa la filayaa inuu noqdo mid muhiim u ah mustaqbalka wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda iyo sidii loo gaari lahaa is-afgarad qaran.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqyada cusub ee mucaaradka, gaar ahaan kulamada gaarka ah ee ay la yeelanayaan wakiillada beesha caalamka kahor furitaanka wada-hadallada la qorsheynayo.
Sidoo kale, indhaha siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa ku wajahan natiijada ka soo baxda dadaallada dhexdhexaadinta ah ee socda, iyadoo la isweydiinayo qodobada ay mucaaradku miiska wada-hadallada la tagi doonaan iyo sida ay Dowladda Federaalka uga jawaabi doonto dalabaadka la filayo inay soo bandhigaan.
Mucaaradka ayaa hore u muujiyey walaac ku saabsan hannaanka doorashooyinka, maamulka geeddi-socodka siyaasadeed, iyo baahida loo qabo in la helo hannaan ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhankeeda, waxay marar badan ku celcelisay inay ka go’an tahay sii wadista geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyin waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Waxaa hadda si weyn loo sugayaa natiijada ka soo baxda kulamada hordhaca ah iyo shirarka la qorsheynayo inay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo laga rajeynayo inay horseedaan is-afgarad siyaasadeed oo yareeya xiisadaha jira isla markaana dalka u horseeda xasillooni iyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.


