• Home  
  • Puntland oo 18 Askari Maxkamadaynsa kuwaas oo ah Booliis.
- WARARKA

Puntland oo 18 Askari Maxkamadaynsa kuwaas oo ah Booliis.

Puntland ayaa sheegtay in la Maxkamadeynayo ilaa 18 Aslari oo Booliis ah dhowaana Gadood sameeyey kuwaas oo wadooyinka Garoowe xiray Maanta ayaana la soo qabtay waxaana Bulshada Magaalada laga raali galiyey Shqaaqadii Ciidamadaas gaysteen. Garoowe: Taliska Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shaaciyey in gacanta lagu soo dhigay 18 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Birmadka, kuwaas […]

Puntland ayaa sheegtay in la Maxkamadeynayo ilaa 18 Aslari oo Booliis ah dhowaana Gadood sameeyey kuwaas oo wadooyinka Garoowe xiray Maanta ayaana la soo qabtay waxaana Bulshada Magaalada laga raali galiyey Shqaaqadii Ciidamadaas gaysteen.

Garoowe: Taliska Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shaaciyey in gacanta lagu soo dhigay 18 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Birmadka, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen gadood iyo waddo-xir ay maalmo ka hor ka sameeyeen magaalada Garoowe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in askarta la xiray kadib baaritaanno la sameeyey, isla markaana la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida si looga qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan.

Taliska Booliiska ayaa sidoo kale raalli-gelin u diray shacabka magaalada Garoowe, isagoo ka cudur daartay qalalaasihii iyo carqaladihii amniga ee ka dhashay dhacdadii dhacday 7-dii Juun 2026.

“Ciidanka Booliiska Puntland wuxuu shacabka ka raalli gelinayaa falkii qalalaasaha watay ee ka dhacay caasimadda Garoowe, kadib markii koox ka tirsan Ciidanka Booliiska Birmadka ay si sharci darro ah u hakiyeen isku socodka gaadiidka, una carqaladeeyeen amniga iyo kala dambeynta,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Taliska ayaa adkeeyey in falkii dhacay aanu ka tarjumayn nidaamka, anshaxa iyo waajibaadka Ciidanka Booliiska Puntland, balse uu ahaa fal si gaar ah loo abaabulay oo ay ku lug lahaayeen shaqsiyaad dano gaar ah leh. Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in dhacdadaasi ay dhaawac u geysatay sumcadda ciidamada iyo hay’adaha dowladda.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii ciidamo ka tirsan Booliiska Birmadka ay dhowr maalmood ka hor gadood ka sameeyeen gudaha magaalada Garoowe, iyagoo xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Puntland. Ciidamada gadoodka sameeyey ayaa la sheegay inay ka cabanayeen dib u dhac ku yimid mushaaraadkooda iyo xuquuqo kale oo ay sheegeen in muddo aan loo fulin.

Gadoodka ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee magaalada, waxaana xilligaas soo baxay baaqyo lagu dalbanayey in si degdeg ah loo xalliyo cabashooyinka ciidamada si looga hortago xaalado amni darro oo ka dhasha.

Taliska Booliiska Puntland ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in baaritaannada dhacdadaasi la xiriira ay weli socdaan, isla markaana cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falalkaasi lala tiigsan doono sharciga.

Dhanka kale, talisku wuxuu u rajeeyey Ciidanka Birmadka inay dib u soo ceshadaan sumcaddoodii iyo kalsoonidii shacabka kadib dhacdadii ka dhacday Garoowe. Waxa kale oo uu mar kale carrabka ku adkeeyey in ilaalinta amniga iyo kala dambeynta ay tahay waajibaad dastuuri ah oo saaran ciidamada, isla markaana aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lid ku ah xasilloonida iyo nabadgelyada Puntland.

Ma aha markii ugu horreysay ee ciidamo ka tirsan Puntland ay sameeyaan gadood la xiriira cabashooyin mushaar iyo xuquuqo shaqo. Sanadihii la soo dhaafay ayaa marar kala duwan la arkay ciidamada qaarkood oo ka cabanaya dib u dhac ku yimaada gunnooyinka iyo mushaaraadka, arrintaas oo mararka qaar sababtay mudaharaadyo iyo waddo-xirro ka dhacay magaalooyinka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™