• Home  
  • Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala Saxiixday Heshiis Iskaashi.
- WARARKA

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala Saxiixday Heshiis Iskaashi.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of Rwanda) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta. Heshiiskan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo xiriirka tacliimeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruwaanda, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida […]

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of Rwanda) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta. Heshiiskan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo xiriirka tacliimeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruwaanda, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta aqoonta iyo tayeynta waxbarashada sare.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Raktar-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Fu’aad Mire Xasan, iyo Dr. Raymond Ndikumana, Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Ruwaanda ee Qorshaynta Istaraatiijiga ah iyo Arrimaha Maamulka. Munaasabadda saxiixa ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi wax-ku-ool ah oo u dhexeeya xarumaha tacliinta sare si loo abuuro fursado cusub oo aqoon-is-weydaarsi iyo cilmi-baaris wadajir ah.

Iskaashigan cusub ayaa salka ku haya xoojinta wada-shaqaynta tacliimeed ee ka dhaxaysa labada jaamacadood, iyadoo diiradda la saarayo hirgelinta cilmi-baarisyo wadajir ah, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, horumarinta awoodda aqoonyahannada iyo ardayda, iyo sare u qaadidda tayada waxbarashada sare. Sidoo kale, heshiiska ayaa la filayaa inuu abuuro fursado cusub oo kor loogu qaadayo tayada manhajyada waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha tacliimeed ee ardayda iyo macallimiinta.

Heshiiska is-afgaradku wuxuu sidoo kale taageerayaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo barashada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta qaran. Waxaa muhiimad gaar ah la siinayaa kobcinta wadajirka bulshada, dhismaha kalsoonida iyo diyaarinta jiilal ku barbaara qiyamka nabadda, dulqaadka, wada-noolaanshaha iyo muwaadinnimada masuulka ah.

Masuuliyiinta labada jaamacadood ayaa isku raacay in tacliintu ay tahay aaladda ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar waara iyo bulshooyin xasilloon. Sidaa darteed, iskaashiga noocan oo kale ah ayaa muhiim u ah horumarinta aqoonta, kor u qaadidda cilmi-baarista iyo dhismaha awoodaha lagama maarmaanka u ah horumarka bulshada.

Heshiiskan ayaa ka dhashay booqasho shaqo iyo wada-hadallo istaraatiiji ah oo ay dalka Ruwaanda ku joogaan wafdi uu hoggaaminayo Raktar-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ah masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare.

Booqashada iyo wada-hadallada socda ayaa lagu tilmaamay kuwo xoojinaya xiriirka waxbarasho iyo iskaashi ee labada dal, iyadoo la filayo in heshiiskan uu horseedo fursado cusub oo waxbarasho, cilmi-baaris iyo horumar aqooneed oo ay ka faa’iideysan doonaan ardayda, macallimiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Ruwaanda ayaa noqonaya tallaabo kale oo muujinaysa dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada sare, xoojinta cilmi-baarista iyo dhismaha iskaashi caalami ah oo wax ku ool u ah horumarka aqoonta iyo bulshada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™