• Home  
  • Puntland oo Mar kale la wareegtay Xerada PSF ee Boosaaso.
- WARARKA

Puntland oo Mar kale la wareegtay Xerada PSF ee Boosaaso.

Boosaaso 6/8/2026: Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa maanta si nabad ah ula wareegay Xeradii ay magaalada Boosaaso ku lahaayeen Ciidamada Puntland Security Force (PSF), kaddib wada hadallo dhacay habeenkii xalay, sida ay warar lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Warbaahinta Dunida Maanta. Wararka ay heshay Dunida Maanta ayaa sheegaya in aan wax dagaal ah, rasaas ama […]

Boosaaso 6/8/2026: Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa maanta si nabad ah ula wareegay Xeradii ay magaalada Boosaaso ku lahaayeen Ciidamada Puntland Security Force (PSF), kaddib wada hadallo dhacay habeenkii xalay, sida ay warar lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Warbaahinta Dunida Maanta.

Wararka ay heshay Dunida Maanta ayaa sheegaya in aan wax dagaal ah, rasaas ama iska hor imaad ka dhicin xerada xilligii ay la wareegayeen Ciidamada Puntland. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamay in habeenkii xalay la yeeshay wada hadallo la xiriiray sidii ciidamada halkaasi ku sugnaa ay si nabad ah uga bixi lahaayeen xerada, iyadoo markii dambe lagu heshiiyay in ay si is-afgarad ah u baneeyaan goobta.

Markii ciidamada halkaasi ku sugnaa ay baneeyeen xerada, waxaa si toos ah u galay Ciidamada Maamulka Puntland oo la wareegay guud ahaan ammaanka iyo gacan ku haynta xarunta, iyadoo xaaladda magaalada Boosaaso ay tahay mid deggan, isla markaana aan laga soo sheegin wax amni darro ah oo ka dhalatay isbeddelka dhacay.

Dhacdadan ayaa imaaneysa hal maalin kaddib markii Ciidamada Puntland ay sidoo kale la wareegeen Xerada Ciidamada PSF ee magaalada Gaalkacyo. Inkastoo subaxnimadii shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban oo dhex maray labada dhinac, haddana ugu dambeyn waxaa gacanta ku dhigay xerada Ciidamada Puntland.

Labada xero ee kala yaalla Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku sugnaa ciidamo taabacsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida xogaha la helayo ay sheegayaan, bilihii la soo dhaafay ciidamadaasi waxaa loo diri jiray mushaaraad ay bixineysay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhalisay hadallo iyo walaac ay si isdaba joog ah u muujinayeen masuuliyiinta Puntland. Maamulka Puntland ayaa marar badan ka digay in taageerada iyo mushaaraadka la siinayo ciidamadaasi ay horseedi karto xiisado amni iyo colaad ka dhex abuuranta deegaannada Puntland.

Masuuliyiinta Puntland ayaa hore u sheegay in aan la aqbali doonin ciidamo ka madax-bannaan nidaamka amniga ee maamulka, iyagoo ku doodayay in tallaabooyinka noocaas ah ay khatar ku yihiin xasilloonida iyo wadajirka hay’adaha ammaanka ee Puntland.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan la wareegista labada xero ee Boosaaso iyo Gaalkacyo. Sidoo kale, dhinaca ciidamada hore u deggenaa xeryahaasi kama aysan soo bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sababta ay si nabad ah uga baxeen Xerada Boosaaso ama dhacdooyinkii ka dhacay Gaalkacyo.

Xaaladda guud ee magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa la soo sheegayaa inay tahay mid deggan, iyadoo aan la diiwaangelin wax iska hor imaad ah oo cusub tan iyo markii Ciidamada Puntland ay la wareegeen xarumahaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™