• Home  
  • Nin Salaad u taagan oo Dableey Hubaysan ku dishay Duleedka Degmada Gadoon.
- WARARKA

Nin Salaad u taagan oo Dableey Hubaysan ku dishay Duleedka Degmada Gadoon.

Dhusamareb 12 Agoosto 2026: Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Dawacoole oo hoostaga degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas lagu dilay nin ka mid ahaa dad waddada ku safrayey oo ku soo jeeday magaalada Dhuusamareeb, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Dhalawayne. Sida ilo xog-ogaal ah noo xaqiijiyeen, waxaa falkan gaystay dabley hubaysan oo […]

Dhusamareb 12 Agoosto 2026: Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Dawacoole oo hoostaga degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas lagu dilay nin ka mid ahaa dad waddada ku safrayey oo ku soo jeeday magaalada Dhuusamareeb, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Dhalawayne.

Sida ilo xog-ogaal ah noo xaqiijiyeen, waxaa falkan gaystay dabley hubaysan oo sida la sheegay ka yimid dhanka deegaanka Xiindheere ee isla gobolka Galgaduud. Waxaa xusid mudan in dadka oo salaadda Subax tukanaya ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dableyda hubaysan.

Qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa Dunida Maanta u sheegay in la dilay isagoo u taagan salaadda Subax, ayna dileen maleeshiyaad weerar ku soo qaaday. Hadda meydkiisa ayaa loo soo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Maleeshiyaadkii falkan gaystay ayaa goobta isaga baxay, waxaana la sheegay inay dib ugu laabteen halkii ay weerarka ka soo qaadeen. Ma jirin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen, maadaama iyagu weerarka soo qaadeen, dadka la beegsadayna ahaayeen kuwo aan hubaysnayn.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli gobolka Galgaduud uu horey uga dhacay dilal iyo iska horimaadyo salka ku haya khilaafaadyo beeleed iyo aargoosi la xiriira dilal hore. Sanadihii lasoo dhaafay, deegaano ka tirsan Galgaduud waxaa ka dhacay iska horimaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo mararka qaar ka dhashay muranno ku saabsan dhul daaqsimeed, ceelal iyo biyo, iyo sidoo kale colaadihii hore ee beelaha dhex maray.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhowaan gobolka ka dhacay ayaa ahaa dagaallo beeleed ka dhacay deegaanada Cabudwaaq iyo Xeraale bishii Juun 2024, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Dagaalladaas ayaa sidoo kale muujiyey sida khilaaf muddo soo jiitamayey uu si degdeg ah ugu gudbi karo weerarro hubaysan iyo aargoosi.

Sidoo kale, warbixinno laga sameeyey xaaladda amni ee Galgaduud ayaa tilmaamaya in dilal loo geysto dadka rayidka ah ay mararka qaar xiriir la leeyihiin colaadaha beelaha iyo aargoosiga, taas oo sii adkaynaysa xaaladda amni ee deegaanada miyiga ah.

Inkasta oo dhacdada Dawacoole ay weli sugayso faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxda hay’adaha amniga, haddana dilka loo geystay qof aan hubaysnayn ayaa walaac ku abuuri kara dadka ku nool deegaanka iyo dadka isticmaala waddooyinka isku xira deegaanada gobolka. Dadka deegaanka ayaa marar badan ku baaqa in khilaafaadka noocan ah lagu xalliyo wada-hadal iyo dhaqan, iyadoo laga hortagayo in dilal gaar ah ay isu beddelaan aargoosi iyo colaad cusub.

Weli kama hadlin laamaha ammaanka Galmudug iyo kuwa Federaalka dhacdadan ka dhacday deegaanka hoostaga degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud.

Dhacdadan ayaa ku lug leh aannooyin qabiil oo muddo dheer ka taagan deegaannadaas, kuwaas oo galaaftay dad badan oo naftooda waayey, mana jirto ilaa hadda xal waara oo laga gaaray, inkastoo marar badan la isku dayey sidii wax looga qaban lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™