• Home  
  • Madaxwayne Xsan Shiiq oo ku wajahan Dhusamareb iyo Qorshaha Xiritaanka Tababrka Ciidamada Xananbuure.
- WARARKA

Madaxwayne Xsan Shiiq oo ku wajahan Dhusamareb iyo Qorshaha Xiritaanka Tababrka Ciidamada Xananbuure.

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay u ambabaxaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo laga dareemayo qabanqaabada soo dhaweyntiisa. Wararka ayaa sheegaya in qorshaha Madaxweynaha Soomaaliya uu yahay inuu berri soo xiro tababarka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu […]

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay u ambabaxaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo laga dareemayo qabanqaabada soo dhaweyntiisa.

Wararka ayaa sheegaya in qorshaha Madaxweynaha Soomaaliya uu yahay inuu berri soo xiro tababarka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu diyaariyay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud. Ciidamadan ayaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin horudhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan gaaray Galmudug, kuwaas oo tegay magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Xananbuure, halkaas oo lagu soo xirayo tababarka ciidamada cusub ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb la kulmi doona madaxda Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadaasi ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka maamulka Galmudug oo maraya meel wanaagsan.

Safarka Xasan Sheekh iyo xaaladda Galmudug

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, iyadoo la filayo in Galmudug ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulkaas. Dowladda dhexe ayaa haatan galaangal xooggan ku leh arrimaha maamulka Galmudug.

Booqashada Madaxweynaha ayaa sidaas darteed ku soo beegmaysa xilli ay jiraan arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga iyo siyaasadda maamulkaas. Kulamada uu la yeelanayo madaxda Galmudug iyo bulshada ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan wadahadallada ku saabsan xaaladda guud ee maamulka.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waday isku-dubarid xooggan oo ku saabsan arrimaha ciidamada, iyadoo la doonayo in la xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan amniga dalka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la qorsheynayo in dalka ay ka baxaan ciidamada shisheeye ee ku jira howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ciidamada AUSSOM oo wareejinaya saldhigyada

Ciidamada AUSSOM ayaa mar kale bilaabay inay wareejiyaan saldhigyadooda ay ku leeyihiin Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tallaabadii ugu dambeysay ayaa ahayd ciidamadii Itoobiya oo maalmo ka hor ka baxay saldhiggoodii degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Ciidamada Itoobiya ayaa saldhiggaasi ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb iyo qorshaha uu ku soo xirayo tababarka ciidamada Xananbuure ayaa sidaas darteed kusoo aadaya xilli xoogga la saarayo diyaarinta iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™