Muqdisho 13 Agoosto 202: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo ay weheliyeen Guddoomiye ku-xigeenka, qaar ka mid ah xubnaha Guddiga iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga, ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa looga hadlay ka-qaybgalka haweenka ee hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan sidii loo xaqiijin lahaa sugidda qoondada haweenka ee doorashooyinka.
Intii uu socday kulanka, Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Guddiga uga mahadceliyey dadaallada uu ku bixiyay arrimaha la xiriira ka-qaybgalka haweenka ee hannaanka doorashooyinka. Golaha ayaa sidoo kale Guddiga ku bogaadiyay sida uu ururrada siyaasadda ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qoondada haweenka.
Si kastaba ha ahaatee, Golaha Haweenka ayaa sheegay in haweenku aysan weli helin qoondada 30-ka boqolkiiba (30%) ee ay ahayd inay ka helaan dhammaan golayaasha la doortay.
Arrintan ayaa kamid ah qodobada muhiimka ah ee kulanka diiradda lagu saaray, iyadoo Golaha Haweenka uu Guddiga la wadaagay muhiimadda ay leedahay in haweenka loo xaqiijiyo ka-qaybgalka siyaasadeed iyo matalaadda ay ku leeyihiin hannaanka doorashooyinka dalka.
Guddiga Doorashooyinka oo ballanqaad sameeyay
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa haweenka u ballanqaaday in Guddigu uu sii adkeyn doono dadaallada ku aaddan ilaalinta qoondada haweenka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Guddigu uu ururrada siyaasadda ku adkeyn doono inay ilaaliyaan qoondada haweenka, si loo xaqiijiyo ka-qaybgalka haweenka ee hannaanka doorashooyinka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ballanqaaday in la qaban doono kulamo gaar ah oo u dhexeeya ururrada siyaasadda iyo haweenka. Kulamadaas ayaa looga gol leeyahay in la xoojiyo wada-hadalka iyo iskaashiga dhinacyada, isla markaana loo xaqiijiyo sugidda qoondada haweenka.
Kulamada haweenka iyo Guddiga oo la joogteynayo
Ugu dambeyn, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada noocan ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay inay si wadajir ah u qaataan kaalinta kaga aaddan ka-qaybgalka haweenka ee geedi-socodka doorashooyinka dalka.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ka-qaybgalka haweenka ee hannaanka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa in qoondada haweenka si dhab ah looga hirgeliyo golayaasha la dooranayo.
Guddiga iyo Golaha Haweenka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado wada-shaqeynta iyo kulamada u dhexeeya dhinacyada, si arrimaha la xiriira ka-qaybgalka haweenka looga yeesho wada-hadal joogto ah.
Sida lagu sheegay kulanka, labada dhinac ayaa sii wadi doona iskaashiga ku aaddan sidii haweenku ugaalin muuqata uga qaadan lahaayeen geedi-socodka doorashooyinka, iyadoo sidoo kale la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30-ka boqolkiiba.


