• Home  
  • Dowalada oo war ka soo saaray Dagaalaka Baydhabo Ciidamada Laftagareena ku tilmaatay Argagixiso.
- WARARKA

Dowalada oo war ka soo saaray Dagaalaka Baydhabo Ciidamada Laftagareena ku tilmaatay Argagixiso.

Baydhabo 17 Agoosto 2026: Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray dagaalka saaka ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Bayaanka oo uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu […]

Baydhabo 17 Agoosto 2026: Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray dagaalka saaka ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Bayaanka oo uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weerar ay ku tilmaameen mid ay “maleeshiyada Khawaarijta” ku soo qaadeen magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliska ayaa sheegay in weerarka uu dhacay 17-ka Agoosto, isla markaana ciidamada weerarka soo qaaday ay doonayeen inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo, xilli magaalada iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ay ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah.

“Ciidanka XDS oo si buuxda uga foojigan dhagaraha iyo isku dayada cadawga ayaa si adag uga hortagay weerarka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Sida lagu sheegay warqadda, ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka, ayna gaarsiiyeen ciidamada weerarka soo qaaday khasaare. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ciidamadii weerarka soo qaaday ay ka carareen goobihii lagu dagaallamay, iyadoo lagu qabtay meydad, hub iyo gaadiid.

Bayaanka dowladda ayaa intaas ku daraya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono dagaalka iyo khasaaraha kasoo gaaray ciidamada weerarka soo qaaday marka xogta la soo dhameystiro.

Taliska ayaa sidoo kale fariin u diray shacabka ku nool Baydhabo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan, kana fogaadaan wax kasta oo sababi kara cabsi iyo qalqal hor leh.

“Talisku wuxuu shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa sidoo kale shacabka loogu baaqay inay garab istaagaan ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada, kuwaas oo Taliska uu sheegay inay u taagan yihiin difaaca shacabka iyo sugidda amniga dalka.

War kasoo baxay dhinaca ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa horay u sheegay in ciidamadoodu ay weerar ku qaadeen gudaha magaalada Baydhabo, isla markaana ay sheegteen inay gacanta ku dhigeen magaalada. Dhinaca dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa, dhankeeda, sheegay in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarka.

Sidaas darteed, labada dhinac ayaa guulo kala duwan ka sheeganaya dagaalka, iyadoo xaaladda dhabta ah ee goobaha ay labada dhinac gacanta ku hayaan ay weli tahay mid u baahan xaqiijin madax-bannaan.

Dagaalka ayaa sababay cabsi xooggan oo soo wajahday shacabka Baydhabo, iyadoo wararka laga helayo magaalada ay sheegayaan in meelo ka mid ah laga maqlayay rasaas culus iyo mid teel-teel ah. Tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™