Gaalkacyo Agoosto 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoo halkaasi ku tagay safar dhulka ah oo uu ku marayo deegaanada Galmudug.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah booqasho uu ku tegayo deegaano kala duwan oo ka tirsan Galmudug, iyadoo ujeeddada safarka lagu sheegay in uu yahay xoojinta nabadda, u kuur-galka xaaladda amniga iyo la socodka duruufaha nololeed ee bulshada ku nool deegaanada maamulkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu magaalada Gaalkacyo kula hadlo bulshada, iyadoo sidoo kale magaalada laga abaabulay isu-soo-bax lagu taageerayo booqashadiisa. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay wadaan dhinacyo kala duwan.
Dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, maamulka Puntland ayaa sare u qaaday tallaabooyinka amniga, iyadoo la adkeeyay sugidda ammaanka aagga ay maamusho. Waxaa sidoo kale la hakiyay isu-socodka u dhexeeya labada dhinac ee magaalada, taas oo ka dhalatay walaac laga muujiyay saameynta siyaasadeed iyo amni ee booqashada Madaxweynaha Federaalka.
Maamulka Puntland ayaa horey u muujiyay aragti ka duwan safarka Madaxweynaha, isagoo sheegay in socdaalka uu sababi karo xaalad amni oo aan wanaagsanayn. Ciidamada Puntland ayaa sidaas darteed la geliyay heegan, iyadoo si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqyada ka socda magaalada iyo nawaaxigeeda.
Booqashada Xasan Sheekh ee Gaalkacyo ayaa ku soo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira mustaqbalka Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale waddo qorshayaal ay ku sheegtay in lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo socdaallada Madaxweynaha ee deegaanada Galmudug ay qeyb ka yihiin xiriirka iyo abaabulka dowladda ee gobollada maamulkaas.
Magaalada Gaalkacyo waxaa xilligan ku sugan Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo bulshada iyo dhinacyada siyaasadda. Joogitaanka labada Madaxweyne ee magaalada ayaa kusoo beegmaya xilli uu sare u kacayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.
Ka hor inta uusan gaarin Gaalkacyo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), waxay tageen magaalada Bandiiradleey ee gobolka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Boqolaal ka tirsan bulshada deegaanka ayaa isugu soo baxay soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha.
Safarka Madaxweynaha ee Galmudug ayaa lagu tilmaamay mid diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, xaaladda nololeed iyo horumarinta bulshada. Intii uu ku sugnaa Bandiiradleey, Xasan Sheekh wuxuu bulshada iyo maamulka deegaanka uga mahadceliyay soo dhoweynta, isagoo ku booriyay xoojinta wadajirka bulshada, amniga iyo horumarka deegaanka.
Gaalkacyo ayaa hadda noqotay meel si gaar ah isha loogu hayo, iyadoo dhinacyada siyaasadda iyo amniga ay si dhow ula socdaan kulamada iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda magaalada. Hadallada Madaxweynaha iyo kulamada uu la yeesho bulshada ayaa la filayaa inay iftiimiyaan fariinta siyaasadeed iyo tan amni ee uu xambaarsan yahay socdaalkiisa Galmudug.


