• Home  
  • Madaxwaynaha Soomaaliya oo Gaalkacyo uga qaybgalay Munaasabad Qado Sharaf ah.
- WARARKA

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Gaalkacyo uga qaybgalay Munaasabad Qado Sharaf ah.

Gaalkacyo  18 Agoosto 2026:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Gaalkacyo kaga qeyb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu soo dhaweeyay isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay. Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka sheegay in ujeeddada ugu weyn ee safarkiisa Galmudug ay ahayd xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay […]

Gaalkacyo  18 Agoosto 2026:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Gaalkacyo kaga qeyb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu soo dhaweeyay isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka sheegay in ujeeddada ugu weyn ee safarkiisa Galmudug ay ahayd xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha guud ee dalka.

Horumarka iyo Arrimaha Qaranka

Intii uu bulshada la hadlayay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhowr arrimood oo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay dadaallada socda ee dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, dhammaystirka Dastuurka iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Arrimahaasi ayuu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowladda, xoojinta dowladnimada iyo horumarinta nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Baaq ku Socda Bulshada

Madaxweynaha ayaa bulshada ugu baaqay inay si firfircoon uga qeyb qaataan dadaallada lagu horumarinayo dalka, isla markaana ay taageeraan ajandeyaasha qaranka.

Wuxuu sidoo kale ku booriyay shacabka inay kaalin muuqata ka qaataan sugidda amniga, xoojinta midnimada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo horumarinta dalka.

Safarka Madaxweynaha ee Galmudug iyo kulamadii uu la qaatay bulshada ayaa ku soo beegmay xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saarayso arrimo ay ka mid yihiin amniga, dowlad-dhiska, dhammaystirka Dastuurka iyo horumarinta nidaamka doorashooyinka.

Hadallada Madaxweynaha ayaa muujinayay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, midnimada iyo horumarka dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™