• Home  
  • Shacabka Sh/dhexe oo ku dhiiraday inay si toos ah u beegsadaan Horjoogayaasha Al-Shabaab + Cod.
- WARARKA

Shacabka Sh/dhexe oo ku dhiiraday inay si toos ah u beegsadaan Horjoogayaasha Al-Shabaab + Cod.

Gobolka Shabeellaha Dhexe, 23 Agoosto 2026: Dadka deegaanka ayaa muddo toddobaad gudihiis ah fuliyey laba howlgal oo ay ku qaarajiyeen horjoogayaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato xooggan ku hayey dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa u qaabilsanaa maleeshiyaadka qaadista lacagaha iyo xoolaha baadda ah. Horaantii toddobaadkii la soo dhaafay ayaa labo […]

Gobolka Shabeellaha Dhexe, 23 Agoosto 2026: Dadka deegaanka ayaa muddo toddobaad gudihiis ah fuliyey laba howlgal oo ay ku qaarajiyeen horjoogayaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato xooggan ku hayey dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa u qaabilsanaa maleeshiyaadka qaadista lacagaha iyo xoolaha baadda ah.

Horaantii toddobaadkii la soo dhaafay ayaa labo dhalinyaro ah waxa ay qaarajiyeen Horjooge Xasan Calasow Raage, iyagoo u adeegsaday dilkiisa tooreey, kana soo qaatay qorigiisii, waxa ayna ku warbixiyeen inay muddo dheer ku raad joogeen dhagarqabahan.

Waxaa isna xigay in 21-kii bishan Macawisleeyda deegaanku qaarajiyeen Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, kuna magac dheeraa (Faadhuud), oo 57 jir ahaa. Wuxuu kooxda argagixisada ah ku biiray sannadkii 2009-kii, xilligaas oo uu ku sugnaa deegaanka Cali Gaduud, wuxuuna kooxda u qaabilsanaa sahminta goobaha ay dagayaan ama ku dhuumaalaysanayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaan bogaadisay, waxaana loo ballan qaaday in la maamuusi doono ciidamada deegaanka ee qaaday tallaabooyinkan lagu wiiqayo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna beegsanayo xubnahooda sare, taasoo horseedi doonta inay ku dhiiran waayaan inay dadka shacabka ah ka qaadaan lacagaha baadda ah iyo xoolaha nool.

Mid ka mid ah horjoogayaasha la qaarajiyey ayaa mid ka mid ah raggii dilay, ka hor howlgalka, waxa ay isugu hanjabeen khadka taleefanka, ka dib markii horjooguhu uu soo weeraray ninka Macawisleeyda ah reerkooda, isagoo ka doonaya xoolo baad ah oo uu ugu yeeray Zakawaad.

Halkan ka dhagayso codka iyo hadalkii dhexmaray inta aan la dilin horjoogaha.

Ciidamada deegaanka ee Macawisleeyda ayaa aad ula dagaalama maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxa ayna ka saareen meelo badan, sidoo kalena waxa ay ka barbar dagaalamaan ciidamada dowladda, waxaana lagu xasuustaa dagaalladii sannadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada dhexe ee dalka.

Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada reeraha iyo xoolaha Macawisleeyda, maadaama ragoodu dagaal kula jiro, waxaana dhacda meelaha qaar in carruurta, haweenka iyo xoolaha ay kala baxaan, maadaama aysan ku nabadgelyo ku helayn.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™