Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Xasan Sheekh Ku Eedeeyay Dagaalkii Muqdisho, Kuna Baaqay Wadahadal Siyaasadeed waxa uuna sheegay in Dagaalkan laga baaqsan karay wadahadalna uu furnaa.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay dagaalkii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu mas’uul ka yahay xaaladda cakiran ee ka dhalatay iska horimaadyadaasi.
Qoraal iyo hadal uu shacabka la wadaagay, Farmaajo ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid laga baaqsan karay haddii mudnaan la siin lahaa wadahadal, is-afgarad iyo xal siyaasadeed. Wuxuu tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed aan lagu xallin karin awood ciidan, balse loo baahan yahay wada-xaajood iyo is qancin dhexmarta dhinacyada ay arrimuhu khuseeyaan.
Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay dooran kartay waddooyin kale oo nabadeed ka hor inta aan la gaarin xaaladda dagaal ee gilgishay caasimadda Soomaaliya. Sida uu sheegay, dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho waxay muujinayaan baahida loo qabo in dib loogu laabto wada hadal iyo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dib u xusuusiyay doodihii siyaasadeed ee dhacay xilligii uu isaga xilka hayay madaxtinimada dalka. Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ahaa xilligaasi ay si adag uga soo horjeedeen muddo kordhinta lagu eedeeyay dowladdiisii, inkastoo uu sheegay in arrintaasi aysan ku imaan heshiis ama is-afgarad siyaasadeed.

“Xilligaas waxaa jiray dood adag oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo muddo kordhinta, balse maanta waxaa muuqata in kuwii arrimahaas ka hadlayay ay iyaguna wajahayaan xaalado siyaasadeed oo la mid ah kuwii ay dhaliili jireen,” ayuu yiri Farmaajo sida lagu sheegay hadalkiisa.
Dhanka kale, Farmaajo ayaa si cad u beeniyay in xilligii uu talada dalka hayay la weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ama xubnihii la socday. Wuxuu sheegay in aysan jirin wax weerar ah oo lagu qaaday Xasan Sheekh intii uu isaga Madaxweynaha ahaa, isagoo xusay in arrintaas marar badan si khaldan loo fasiray ama loo adeegsaday doodaha siyaasadeed.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa tilmaamay in inta badan siyaasiyiinta maanta mucaaradka ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh ay yihiin isla dadkii safka hore kaga jiray isbahaysigii Badbaado Qaran ee ka soo horjeeday dowladdiisii. Wuxuu xusay in siyaasiyiintaas ay waagaas si weyn ugu ololeynayeen in isaga xilka looga qaado, halka maanta ay iyagu noqdeen kuwa mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayuu ku tilmaamay mid muujinaysa sida siyaasadda Soomaaliya ay mararka qaar isu beddesho, iyadoo dadkii shalay hal mowqif ku mideysnaa ay maanta ku kala aragti duwan yihiin hannaanka maamulka iyo hoggaaminta dalka.
Hadalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho kasoo kabanayso dagaallo culus oo saacado badan socday, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray shacabka ku nool qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda.
Ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, hadalladiisa ayaa sii xoojinaya doodaha siyaasadeed ee ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga hadal hayo gudaha dalka iyo dibaddaba.
Indhaha shacabka Soomaaliyeed ayaa haatan ku wajahan sida ay dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradku uga gudbi doonaan xiisaddan, iyadoo baaqyo badan oo gudaha iyo dibadda ah ay ku celcelinayaan muhiimadda wada hadal siyaasadeed si looga fogaado colaado hor leh oo saameeya amniga iyo xasilloonida dalka.

