Musharrax Liiban Axmed Xasan ayaa sheegay in Cumar Cartan uu yahay astaan muujinaysa kartida iyo hibada ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo xusay in guulihiisa ay sharaf iyo sumcad u soo hooyeen Soomaaliya guud ahaan. Wuxuu tilmaamay in magacaabista iyo guulaha uu gaaray Cumar Cartan ay muujinayaan in Soomaalidu ay awood u leeyihiin inay ka dhex muuqdaan fagaarayaasha ugu waaweyn ee caalamka marka la helo fursad iyo taageero ku filan.
Musharraxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liiban Axmed Xasan, ayaa kulan qado-sharaf ah ku maamuusay Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami, Cumar Cabdulkadir Cartan, kaas oo si weyn loogu ammaanay guulaha iyo horumarka uu ka gaaray garsoorka kubadda cagta caalamka.
Kulanka qado-sharafta ah ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey dadaalka, kartida iyo guulaha uu Garsoore Cumar Cartan ku gaaray heerka caalamiga ah. Kulanku wuxuu ahaa mid lagu muujinayey taageerada iyo dhiirrigelinta loo hayo garsooraha Soomaaliyeed ee sumcadda weyn usoo hoyay dalka.
Musharrax Liiban Axmed Xasan ayaa sheegay in Cumar Cartan uu yahay astaan muujinaysa kartida iyo hibada ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo xusay in guulihiisa ay sharaf iyo sumcad u soo hooyeen Soomaaliya guud ahaan. Wuxuu tilmaamay in magacaabista iyo guulaha uu gaaray Cumar Cartan ay muujinayaan in Soomaalidu ay awood u leeyihiin inay ka dhex muuqdaan fagaarayaasha ugu waaweyn ee caalamka marka la helo fursad iyo taageero ku filan.
“Cumar Cartan waa tusaale nool oo muujinaya in dadaal, aqoon iyo karti lagu gaari karo heerarka ugu sarreeya ee dunida. Guulihiisu waa guul Soomaaliyeed,” ayuu yiri Musharrax Liiban Axmed Xasan.
Sidoo kale, Musharraxa ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee garsoorku ku leeyahay horumarinta ciyaaraha iyo kor u qaadidda magaca dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo dadka Soomaaliyeed ee guulaha ka gaaraya fagaarayaasha caalamiga ah. Wuxuu intaas ku daray in bulshada Soomaaliyeed ay u baahan tahay inay mideyso taageerada loo fidinayo halyeeyada dalka magaciisa kor u qaadaya.
Ka qeybgalayaashii kulanka ayaa iyaguna muujiyey taageeradooda iyo hambalyadooda ku aaddan Garsoore Cumar Cartan, iyagoo ku tilmaamay shaqsi ku dayasho mudan oo dadaal, karti iyo hufnaan ku gaaray meel sare. Waxay sheegeen in guulihiisu ay dhiirrigelin u yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hamminaysa inay gaaraan heerar caalami ah.
Garsoore Cumar Cabdulkadir Cartan ayaa dhawaan noqday garsoorihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee loo magacaabo inuu dhex-dhexaadiyo kulan rasmi ah oo heer sare ah oo ay maamusho UEFA, taas oo si weyn loogu faanay gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.