Saraakiisha ciidamada ayaa dhankooda bogaadiyay dadaallada nabadeed ee ay sameeyeen bulshada deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo maamulka Galmudug. Waxay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo wada shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo ciidamada amniga si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar joogto ah.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Galmudug G/Sare Maxamed Daahir Cabdulle, Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ee Galmudug Col. Dubad, iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada amniga, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay deegaanka Xanabuure ee Gobolka Galgaduud.
Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd qiimeynta xaaladda guud ee amniga deegaanka Xanabuure, kaas oo muddooyinkii dambe kasoo kabanayay colaad beeleed hore uga dhacday deegaanka, taasoo dhex martay beelo walaalo ah oo wada degaankaas. Dowladda iyo maamulka Galmudug ayaa dadaal xooggan ku bixinayay sidii loo xaqiijin lahaa dib-u-heshiisiin waarta, nabadgelyo iyo wada noolaansho bulsho.
Intii ay booqashadu socotay, saraakiisha ciidamada ayaa kulan muhiim ah la yeeshay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhallinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaanka, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.
Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa saraakiisha la wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda hadda jirta, iyagoo tilmaamay in deegaanka uu ku socdo marxalad dib-u-soo kabasho iyo is-aaminaad dhisid kadib dhacdooyinkii colaadeed ee hore. Waxay sidoo kale codsadeen in la sii xoojiyo joogitaanka iyo taageerada ciidamada amniga si loo ilaaliyo nabadda la gaaray loogana hortago wax kasta oo dib u hurin kara colaado hor leh.
Saraakiisha ciidamada ayaa dhankooda bogaadiyay dadaallada nabadeed ee ay sameeyeen bulshada deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo maamulka Galmudug. Waxay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo wada shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo ciidamada amniga si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar joogto ah.
Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiishii la socotay ayaa caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta amniga iyo nabadeynta deegaannada ay saameeyeen colaadaha sokeeye. Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada kala duwan ee dowladda ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida, ilaalinta shacabka iyo horumarinta adeegyada amniga.
Ugu dambeyntii, saraakiisha ayaa ballan qaaday inay door muuqda ka qaadan doonaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanka Xanabuure, si loo xaqiijiyo wada noolaansho nabadeed, is-dhexgal bulsho iyo horumar waara oo ay ku naaloodaan dhammaan bulshada deegaanka.































