Daahfurka imtixaanka waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, hawl-wadeennada wasaaradda iyo saraakiil ka socotay laamaha ammaanka. Booliiska iyo hay’adaha kale ee amniga ayaa door muhiim ah ka qaatay sugidda amniga xarumaha imtixaanka si loo xaqiijiyo jawi deggan oo ay ardaydu si nabad ah ugu galaan imtixaankooda.

Dhuusamareeb: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb uga daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay sanadkan u fariisanayaan 8,195 arday oo ku kala sugan degmooyin iyo deegaanno kala duwan oo ka tirsan Galmudug.
Imtixaankan oo ah mid muhiim u ah ardayda dhammeysaneysa waxbarashada heerka dhexe, ayaa ka dhacaya 21 degmo iyo degaan oo ku yaalla deegaannada Galmudug. Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa diyaarisay dhammaan agabkii iyo qorshayaashii lagu xaqiijin lahaa in imtixaanku u qabsoomo si hufan, ammaan ah isla markaana waafaqsan nidaamka waxbarashada.
Magaalada Dhuusamareeb, oo ah xarunta maamulka Galmudug, waxaa imtixaanka ku galaya 894 arday, kuwaas oo ka mid ah kumannaanka arday ee maanta u fariistay imtixaanka. Wasiirka Waxbarashada ayaa booqday mid ka mid ah xarumaha lagu galayo imtixaanka, halkaas oo uu kula hadlay ardayda iyo macallimiinta, isagoo ku dhiirrigeliyay ardayda inay muujiyaan dadaalkii ay sameeyeen muddadii ay waxbaranayeen.
Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ardayda u rajeeyay guul iyo natiijo wanaagsan, isaga oo sheegay in dowladda Galmudug ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta waxbarashada iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee deegaannada Galmudug. Wasiirka ayaa sidoo kale ku booriyay ardayda inay ku galaan imtixaanka kalsooni iyo degganaansho, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo saameyn kara hannaanka imtixaanka.
Daahfurka imtixaanka waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, hawl-wadeennada wasaaradda iyo saraakiil ka socotay laamaha ammaanka. Booliiska iyo hay’adaha kale ee amniga ayaa door muhiim ah ka qaatay sugidda amniga xarumaha imtixaanka si loo xaqiijiyo jawi deggan oo ay ardaydu si nabad ah ugu galaan imtixaankooda.
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in sanad walba ay kor u sii kacayso tirada ardayda u fariisaneysa imtixaannada shahaadiga ah, taas oo muujinaysa koboca iyo horumarka laga gaaray dhinaca waxbarashada. Waxay sidoo kale tilmaameen in dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada waxbarashada ay horseedeen in fursado waxbarasho ay helaan arday badan oo ku nool degmooyinka iyo miyiga Galmudug.
Waalidiinta, macallimiinta iyo bulshada ayaa si weyn u soo dhaweeyay bilowga imtixaanka, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ardaydu ay gaaraan natiijooyin wanaagsan. Waxay sidoo kale bogaadiyeen dadaallada Wasaaradda Waxbarashada ee ku aaddan horumarinta waxbarashada iyo hubinta in imtixaannadu u dhacaan si cadaalad iyo hufnaan leh.
Daahfurka maanta ayaa astaan u ah sida ay Dowladda Galmudug uga go’an tahay horumarinta aqoonta iyo dhismaha jiil waxbarasho leh oo door muuqda ka qaata mustaqbalka bulshada iyo horumarka deegaannada Galmudug.












