Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeerka Nadaafadda Gobolka Banaadir, kaas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka nadaafadda, maaraynta qashinka iyo ilaalinta deegaanka ee caasimadda Muqdisho.

Xeerkan cusub ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee si gaar ah loogu nidaaminayo arrimaha nadaafadda iyo maaraynta qashinka magaalada Muqdisho, iyadoo maamulka gobolka uu ku tilmaamay mid saldhig u noqon doona dadaallada lagu dhisayo magaalo nadiif ah, bilicsan isla markaana caafimaad qabta.
Munaasabadda saxiixa xeerkan oo ay ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan, ayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, faahfaahin ka bixiyey marxaladihii uu soo maray xeerkan. Wuxuu sheegay in xeerku uu ka dhashay geeddi-socod dheer oo isugu jiray daraasado qoto dheer, falanqayn sharciyeed iyo wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay dhinacyada ay khusayso arrimaha deegaanka iyo nadaafaddu.
Sida uu sheegay, ujeeddada ugu weyn ee xeerkan ayaa ah in la helo hannaan sharci oo wax-ku-ool ah, kana jawaaba baahiyaha sii kordhaya ee la xiriira nadaafadda magaalada Muqdisho iyo habsami u socodka maaraynta qashinka, iyadoo kororka dadka iyo fiditaanka magaalada ay abuureen caqabado cusub oo u baahan xalal sharciyeed iyo kuwo maamul.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhankiisa xusay in xeerkan uu laf-dhabar u noqon doono qorshayaasha lagu horumarinayo bilicda iyo nadaafadda caasimadda. Waxa uu shacabka Muqdisho, ganacsatada, hay’adaha dowladda iyo dhammaan bulshada ugu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhaqangelinta iyo ku-dhaqanka qodobbada xeerkan si loo gaaro himilada magaalo nadiif ah oo casri ah.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa soo dhaweeyey ansixinta xeerkan, isagoo tilmaamay inuu door weyn ka qaadan doono ilaalinta deegaanka iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha qashinka iyo wasakhowga deegaanka. Wasiirku waxa uu caddeeyey in wasaaraddu ay si dhow ula shaqayn doonto Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar si loo xaqiijiyo hirgelinta xeerkan.
Hay’adaha garsoorka ee ka qayb galay munaasabadda, oo ay ka mid ahaayeen Maxkamadaha Gobolka Banaadir, Xeer-Ilaalinta iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, ayaa iyaguna ballanqaaday inay doorkooda ka qaadan doonaan fulinta iyo dhaqan-gelinta xeerkan.
Masuuliyiintan ayaa sheegay in iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bulshada uu muhiim u yahay guusha xeerkan, si loo miradhalyo dadaallada lagu dhisayo magaalo nadiif ah, bilicsan, caafimaad qabta isla markaana la jaanqaadi karta magaalooyinka casriga ah ee dunida.
Munaasabadda saxiixa Xeerka Nadaafadda Gobolka Banaadir waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, agaasimeyaal iyo masuuliyiin kale. Waxaa sidoo kale ka qayb galay wakiillo ka socday hay’adaha garsoorka, odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka, bulshada rayidka ah, haweenka, shirkadda IFI iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
Saxiixa xeerkan ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo u horseedi karta Muqdisho inay yeelato nidaam casri ah oo lagu maareeyo nadaafadda iyo deegaanka, taas oo kor u qaadi karta caafimaadka bulshada iyo bilicda guud ee caasimadda Soomaaliya.


