Baydhabo 25 June 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaanada maamulka, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta howlaha dowladda.

Shirka Golaha Wasiirrada oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim u ah shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo xubnaha golaha ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan xaaladda wasaaradahooda, qorshayaasha socda iyo heerka ay marayaan adeegyada dowladda ay bulshada u fidiso.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhageystay warbixinno kala duwan oo ay soo jeediyeen Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka hadlay waxqabadka wasaaradaha, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah ee shacabka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo sii xoojin lahaa amniga deegaanada maamulka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga iyo dowladda ay iska kaashadaan sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Golaha Wasiirrada ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan gudashada waajibaadkooda shaqo, isagoo ku ammaanay horumarka laga sameeyey dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada iyo maamulka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada in ay sii xoojiyaan hufnaanta shaqada, isla markaana ay dardargeliyaan fulinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan adeegyo tayo leh oo waafaqsan baahiyahooda.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wasaarad kasta ay yeelato qorshe cad oo lagu cabbiri karo waxqabadka, isla markaana la joogteeyo isla xisaabtanka iyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa xilligan xoogga saaraysa horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta amniga, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha bulshada ku nool deegaannada maamulka.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa kusoo aadaya xilli maamulada dalka ay ku jiraan dadaallo lagu xoojinayo dowladnimada, horumarinta adeegyada bulshada iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka adeegyo hufan oo ku saleysan qorsheyaal dowladeed.

Gabagabadii, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa mar kale ku booriyey Golaha Wasiirrada in ay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka, isla markaana ay ka shaqeeyaan xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee maamulka.


