Dhusamareb 16 July 2026: Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa qaaday safar taariikhi ah oo dhulka ah, kaas oo uu kaga soo ambabaxay magaalada Muqdisho kuna tegay degmooyin iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Socdaalkan oo si weyn u soo jiitay indhaha shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid xambaarsan farriimo amni, midnimo iyo dhiirrigelin siyaasadeed. Wafdiga uu hoggaaminayay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo maray degmooyinka Ceeldheer, Xarardheere, Hobyo iyo Wisil, isagoo kulammo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo taageerayaasha Xisbiga Towfiiq.
Ujeeddada ugu weyn ee socdaalka ayaa ahayd in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka loo muujiyo in xaaladda amni ee dalka ay si muuqata u soo hagaagayso, isla markaana ay suurtagal tahay in gudaha Soomaaliya loogu safro si nabad ah iyadoo aan loo baahnayn ciidamo shisheeye ama gaadiid gaashaaman oo gaar ah. Socdaalka dhulka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq ayaa loo arkay astaan muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee laga qabo amniga deegaannada ay ciidamada qaranku ka xoreeyeen kooxaha argagixisada.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si gaar ah ugu ammaanay Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed iyo shacabka deegaanka doorka ay ka qaateen dib u xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta amniga. Wuxuu sheegay in guulaha laga gaaray la dagaallanka Al-Shabaab ay yihiin kuwo taariikhi ah, isagoo xusay in dadaallada lagu ciribtirayo kooxdaas ay sii socon doonaan ilaa laga xoreeyo dhammaan goobaha ay weli ku sugan yihiin.
Guddoomiyuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay adkeeyaan midnimada, iskaashiga iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in nabadda iyo horumarka Soomaaliya ay ku xiran yihiin wadajirka bulshada iyo taageerada hay’adaha amniga.
Dhanka siyaasadda, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo dhaweeyay diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo cod ee laga qorsheynayo Dowlad Goboleedka Galmudug. Wuxuu ku tilmaamay doorashooyinkaasi tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla markaana shacabka lagu siinayo fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.
Sidoo kale, wuxuu taageerayaasha iyo xubnaha Xisbiga Towfiiq ugu baaqay inay si firfircoon uga qeyb qaataan doorashooyinka, islamarkaana codkooda siiyaan musharraxiinta xisbiga si loo helo hoggaan horseeda nabad, horumar iyo dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.
Socdaalkan taariikhiga ah ee uu Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq ku maray waddooyinka isku xira Muqdisho iyo deegaannada Galmudug ayaa loo arkaa mid xoojinaya kalsoonida laga qabo dib u soo kabashada amniga Soomaaliya. Waxa kale oo uu fariin cad u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka, taas oo muujinaysa in deegaanno badan oo dalka ka mid ah ay maanta yihiin kuwo nabdoon oo isu socodkoodu suurtagal yahay.
Safarka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid dhiirrigelin u ah dib u soo nooleynta isku socodka dalka, ganacsiga iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la rajeynayo in guulaha amni ee la gaaray ay horseed u noqdaan xasillooni waarta iyo horumar loo siman yahay.


