Addis Ababa July 2026: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qaybgalay Shirka Heer Wasiir ee Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika (African Pastoral Markets Development – APMD). Shirka waxaa soo qabanqaabisay Xarunta Midowga Afrika u qaabilsan Khayraadka Xoolaha (AU-IBAR), iyadoo ay ka soo qayb galeen wasiirro, khubaro iyo wakiillo ka kala socday dalal badan oo Afrika ah.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray horumarinta suuqyada xoolaha, kobcinta maalgashiga, xoojinta iskaashiga dalalka Afrika iyo sidii loo abuuri lahaa suuqyo casri ah oo sare u qaada wax-soo-saarka iyo ganacsiga xoolaha. Intii uu socday shirka waxaa sidoo kale la falanqeeyay caqabadaha hortaagan ganacsiga xoolaha iyo fursadaha lagu horumarin karo dhaqaalaha ku dhisan xoolo-dhaqashada.
Wasiir Xasan Xuseen Maxamed ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta siyaasadaha xoolaha, tayeynta adeegyada caafimaadka xoolaha, ballaarinta helitaanka suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyo dhiirrigelinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay ee maalgelinta iyo horumarinta waaxda xoolaha.
Wasiirka ayaa xusay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana ay nolol iyo il dhaqaale u yihiin malaayiin qoys oo Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay weli ka mid tahay dalalka ugu horreeya caalamka ee dhoofiya xoolaha nool, taasoo ka dhigaysa waaxda xooluhu tiirka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka iyo kobaca dhoofka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta warshadaynta hilibka, casriyeynta silsiladaha wax-soo-saarka, iyo dhismaha kaabeyaal casri ah oo taageera ganacsiga xoolaha. Wuxuu caddeeyay in qorshayaashaas ay qayb weyn ka qaadan doonaan abuurista fursado shaqo oo ay ka faa’iideysan doonaan dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed, isla markaana sare u qaadi doona dakhliga ka soo xarooda dhoofka xoolaha iyo wax-soo-saarkooda.
Intii uu socday shirka, Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay mashaariic muhiim ah oo ay Soomaaliya waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Nidaamka Maaraynta Xogta Suuqyada Xoolaha Soomaaliya (LIMS), Nidaamka Aqoonsiga iyo Raadraaca Xoolaha (SOMLITS), iyo diyaarinta Qorshaha Guud ee Maalgashiga Xoolaha Soomaaliyeed. Mashaariicdan ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah casriyeynta maamulka waaxda xoolaha, kor u qaadista hufnaanta adeegyada iyo xoojinta kalsoonida suuqyada caalamiga ah.
Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika, ururrada gobolka, hay’adaha horumarinta iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay inay sii xoojiyaan iskaashiga iyo maalgashiga lagu horumarinayo silsiladaha wax-soo-saarka xoolaha. Wuxuu adkeeyay in iskaashi xooggan uu horseedi karo sugnaanta cuntada, kobaca dhaqaalaha, iyo sare u qaadista nolosha malaayiinta qof ee ku tiirsan xoolo-dhaqashada guud ahaan qaaradda Afrika.


