• Home  
  • Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Dheeraad ah u Dirtay Gobolka Shabeellada Hoose
- WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Dheeraad ah u Dirtay Gobolka Shabeellada Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay ciidamada ammaanka ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose inay si degdeg ah u soo qabtaan shaqsiyaadka lagu eedeeyay inay faafinayeen hadallo naceyb iyo kicin bulsho, kuwaas oo la sheegay inay hurinayaan xiisado u dhexeeya bulshada deegaanka. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya […]

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay ciidamada ammaanka ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose inay si degdeg ah u soo qabtaan shaqsiyaadka lagu eedeeyay inay faafinayeen hadallo naceyb iyo kicin bulsho, kuwaas oo la sheegay inay hurinayaan xiisado u dhexeeya bulshada deegaanka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan marnaba oggolaan doonin faafinta colaadaha, hadallada naceybka iyo fal kasta oo qalqal gelinaya amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasaaraddu waxay muujisay walaac xooggan oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada lagu hurinayo xiisado ka dhex aloosan bulshada ku dhaqan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo xustay in bulshadaasi ay muddo dheer ku wada noolaayeen nabad, isla markaana ay ka dhexeeyaan xiriir bulsho, dhaqan iyo dano wadaag ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, fal kasta oo horseedi kara kala fogaansho, naceyb ama isku dhac bulshada dhexdeeda wuxuu halis ku yahay nabadda, wadajirka bulshada iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta ee dalka ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa digniin adag u dirtay shaqsiyaadka, kooxaha iyo cid kasta oo ku lug leh faafinta hadallada naceybka, wararka marin-habaabinta ah, abaabulka colaadaha ama falal kasta oo sii hurin kara xaaladda amni. Waxay sidoo kale ka digtay in kooxaha argagixisada iyo qaswadeyaasha ay ka faa’iideysan karaan xaalad kasta oo nugul si ay u fuliyaan qorshayaal lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Shabeellada Hoose, inay ilaaliyaan nabadda, iska ilaaliyaan hadallada hurinaya colaadaha, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xoojiyo wadajirka bulshada iyo xasilloonida dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™