Dhusamareb 20 July 2026: Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta isu diyaarinaysa soo dhoweyn ballaaran oo loo sameynayo Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo ku soo wajahan caasimadda Galmudug kaddib safar dhulka ah oo maalmo qaatay kana soo bilowday magaalada Muqdisho. Safarkan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gobollada dhexe, iyadoo Sheekh Shaakir uu booqday magaalooyin iyo degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug, halkaas oo ay kumannaan qof ku qaabileen soo dhoweyn iyo isu soo baxyo waaweyn.
Socdaalka Guddoomiyaha ayaa ka billowday Muqdisho, wuxuuna sii maray deegaanno iyo degmooyin badan oo ay ka mid yihiin Ceeldheer, Xarardheere, Hobyo, Wisil, Gaalkacyo, Bandiiradley, Galinsoor, Cadaado, Caabudwaaq, Miirjiicleey, Huurshe, Xeraale, Balambal iyo Guriceel, isaga oo meel kasta kula kulmay shacabka, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka iyo taageerayaasha Xisbiga Towfiiq. Ujeeddada safarkan ayaa lagu tilmaamay xoojinta xiriirka shacabka iyo xisbiga, dhageysiga baahiyaha bulshada iyo dardargelinta abaabulka siyaasadeed ee xisbiga ee deegaannada Galmudug.
Shalay ayaa wafdiga Sheekh Maxamed Shaakir si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Guriceel, halkaas oo boqolaal dadweyne ah ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada si ay u muujiyaan taageeradooda. Munaasabadda soo dhoweynta ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana halkaasi laga jeediyey khudbado diiradda lagu saaray nabadda, midnimada bulshada iyo horumarinta dowladnimada.
Maanta, indhaha shacabka Galmudug waxay ku soo jeedaan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo diyaar garow xooggan uu ka socdo. Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn iyo goobaha lagu soo dhoweynayo wafdiga, iyadoo la filayo in soo dhoweynta ay noqoto mid ka mid ah kuwii ugu ballaarnaa ee magaalada ka dhaca muddooyinkii dambe.
Safarka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa siyaasad ahaan loo arkaa mid muhiim u ah Xisbiga Towfiiq, maadaama uu si toos ah ula kulmay bulshada ku nool deegaannada kala duwan ee Galmudug, isaga oo dhageystay talooyinka, cabashooyinka iyo aragtida shacabka. Taageerayaasha xisbiga ayaa ku tilmaamay socdaalkan mid muujinaya sida hoggaanka xisbigu ugu dhow yahay bulshada, halka dadka kale ay u arkaan fursad lagu xoojinayo wada hadalka iyo is-dhexgalka bulshada.
Waxaa la filayaa in marka wafdigu gaaro Dhuusamareeb uu Guddoomiyuhu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, haweenka, dhalinyarada iyo taageerayaasha xisbiga, iyadoo sidoo kale la filayo inuu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo qorshayaasha Xisbiga Towfiiq ee ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo ka qeybgalka doorashooyinka.
Socdaalkan dheer ee dhulka ah, oo isku xiray Muqdisho iyo inta badan magaalooyinka waaweyn ee Galmudug, ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay dareenka shacabka iyo saxaafadda, waxaana lagu tilmaamayaa safarkii ugu ballaarnaa ee Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, uu ku gaaro bulshada ku dhaqan gobollada dhexe ee Soomaaliya.


