Dhuusamareeb, 3 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Towfiiq, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa si adag u qaadacay natiijada doorashada qof iyo cod ee dhowaan ka dhacday deegaannada Galmudug, isagoo ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka inay ku guuldareysteen qabashada doorasho hufan, caddaalad ah, isla markaana ka turjumeysa rabitaanka shacabka.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in shacabka Galmudug ay waqti iyo dadaal badan geliyeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashada qof iyo cod, taas oo ay muddo dheer sugayeen. Wuxuu xusay in kumannaan qof ay muujiyeen rabitaan iyo kalsooni ay ku doonayeen inay codkooda ku doortaan hoggaankooda, balse ugu dambeyn ay niyad-jab kala kulmeen hannaankii loo maamulay doorashada.
Sida uu hadalka u dhigay, shacabka waxaa loo horseeday rajo ah in la qabanayo doorasho xor iyo xalaal ah, hase yeeshee waxaa soo baxay arrimo badan oo shaki gelinaya hufnaanta geeddi-socodka doorashada. Wuxuu sheegay in dad badan ay dareemeen in aan la ilaalin codkoodii iyo kalsoonidii ay ku qabeen nidaamka doorashada, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawac ku ah dadaallada lagu horumarinayo dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka shacabka ee maamulka dalka.
Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq ayaa eedda ugu weyn dusha ka saaray Guddiga Doorashooyinka Galmudug, isagoo sheegay in guddigu mas’uul ka yahay xaqiijinta hufnaanta, caddaaladda iyo daahfurnaanta doorashada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in guddiga lagula xisaabtami doono wixii khaladaad ama cabashooyin ah ee ka dhashay habkii loo maamulay doorashada.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii aan si madax-bannaan oo daahfuran loo baarin cabashooyinka ay soo gudbiyeen ururrada siyaasadeed iyo shacabka, ay taasi dhaawici karto kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashooyinka iyo hay’adaha maamulka doorashada.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu la qaybsanayo murugada iyo niyad-jabka ay qabaan dadka rumeysan in lagu dulmiyey doorashada. Wuxuu sheegay in cid kasta oo dareentay in codkeeda la duudsiyey ay mudan tahay in cabashadeeda si dhab ah loo dhageysto, isla markaana loo maro waddo sharci ah oo lagu xaqiijinayo caddaaladda.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijada doorashada qof iyo cod ee lagu qabtay deegaannada Galmudug Khamiistii la soo dhaafay. Natiijadaasi waxay dhalisay falcelinno kala duwan oo ka yimid ururrada siyaasadeed, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kale ee daneeya geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si cad u sheegay in Xisbiga Towfiiq uusan aqbaleyn natiijada ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka, isla markaana ay si rasmi ah u qaadaceen. Wuxuu cambaareeyay cid kasta oo uu ku eedeeyay inay faragelin ku samaysay codkii shacabka iyo dadaalkii ay muujiyeen kumannaan qof oo ka qayb qaatay doorashada.
Wuxuu ugu baaqay madaxda Galmudug, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha ay khusayso in aan lagu ciyaarin masiirka Galmudug, oo uu ku tilmaamay “caloosha Soomaaliya”, maadaama ay leedahay muhiimad siyaasadeed, amni iyo bulsho. Wuxuu codsaday in dib loogu laabto natiijada lagu dhawaaqay, baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhammaan cabashooyinka la soo gudbiyay, isla markaana Guddiga Doorashooyinka lagula xisaabtamo wixii khaladaad ah ee la xaqiijiyo.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in tallaabooyinkaasi ay muhiim u yihiin ilaalinta kalsoonida shacabka, xoojinta dimuqraadiyadda iyo xaqiijinta in doorashooyinka mustaqbalka ay u dhacaan si xor ah, hufan oo waafaqsan rabitaanka shacabka.
Dhanka kale, qaar ka mid ah ururradii siyaasadeed ee ka qayb galay doorashada ayaa iyaguna diiday natiijada ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka, iyagoo sheegay inay jiraan cabashooyin la xiriira habraaca iyo hufnaanta doorashada. Arrintan ayaa sii kordhisay doodaha iyo walaaca ka dhashay geeddi-socodka doorashooyinka Galmudug.
Waxaa xusid mudan in horey ay xisbiyada mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu eedeeyeen dowladda inay wax isdaba marin ku samaysay doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, eedeymahaas oo dowladda Federaalka ay marar badan beenisay. Walaaca laga muujinayo doorashada Galmudug ayaa noqonaya mid sii xoojinaya doodaha ku saabsan hufnaanta doorashooyinka iyo kalsoonida shacabka ee nidaamka dimuqraadiyadeed.


