Dhuusamareeb 15 goosto 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray qaybta koowaad ee waddada weyn ee magaalada Dhuusamareeb, iyo sidoo kale fagaaraha cusub ee magaalada.
Waddada maanta la xarig-jarray ayaa dhererkeedu yahay 3.3 kiiloomitir, waxaana ay qeyb ka tahay mashaariicda lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda Galmudug.
Mashruucan ayaa muhiimad gaar ah u leh magaalada Dhuusamareeb, maadaama waddooyinka laamiga ah ay door weyn ka qaadanayaan fududeynta isku socodka bulshada iyo gaadiidka, iyo sidoo kale horumarinta bilicda magaalada.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhawaan la soo gabagabeeyo qaybta labaad ee waddadan, taas oo dhererkeedu yahay 5 kiiloomitir, iyadoo marka la dhammeystiro ay sii ballaarin doonto isku xirka waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Fagaaraha cusub ee Dhuusamareeb
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xarigga ka jaray fagaaraha cagaaran ee magaalada Dhuusamareeb, kaas oo noqonaya goob cusub oo muhiim u ah muuqaalka iyo bilicda caasimadda Galmudug.
Fagaaraha ayaa taariikh cusub u ah magaalada, maadaama Dhuusamareeb markii ugu horreysay yeelanayso fagaarayaal cagaaran oo qeyb ka noqonaya qorshayaasha lagu horumarinayo bilicda iyo muuqaalka magaalada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fagaaraha cusub ku maamuusay in loogu magac-daro Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaana loo bixiyay Fagaaraha Qoorqoor.
Magaca loo bixiyay fagaaraha ayaa ka tarjumaya doorka Madaxweynaha Galmudug uu ku leeyahay hoggaaminta maamulka iyo dadaallada lagu horumarinayo caasimadda Galmudug.
Mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha
Intii ay socotay munaasabadda xarig-jarka, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Galmudug, gaar ahaan mashaariicda la xiriira waddooyinka.
Mashaariicda la soo bandhigay waxaa qeyb ka ahaa waddooyin uu dhismahoodu hadda socdo iyo kuwo ay socdaan daraasado iyo naqshadeyn, kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo isku xirka magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada kale.
Horumarinta waddooyinka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah kobcinta dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka bulshada, iyadoo sidoo kale ay gacan ka geysan karto in magaalada loo sameeyo kaabayaal dhaqaale oo casri ah.
Dhuusamareeb ayaa sanadihii u dambeeyay wajahday mashaariic horumarineed oo kala duwan, gaar ahaan dhinacyada waddooyinka, xarumaha dowladda iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Munaasabadda maanta ayaa ahayd mid ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta magaalada.
Dhammeystirka qaybaha kale ee waddooyinka socda ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo horumarka kaabayaasha magaalada, isla markaana wax ka beddelo muuqaalka caasimadda Galmudug.













