• Home  
  • Booliska oo Ka Hadlay Amniga Magaalada Baydhabo iyo Dadka Bilaabay Ka Bixitaanka.
- WARARKA

Booliska oo Ka Hadlay Amniga Magaalada Baydhabo iyo Dadka Bilaabay Ka Bixitaanka.

Baydhabo 22 Agoosto 2026: Taliska Booliska magaalada Baydhabo ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda amni ee magaalada, kaddib xiisado iyo dagaallo dhawaan dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo, Cali Taagey, ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada ay hadda deggen tahay, isaga […]

Baydhabo 22 Agoosto 2026: Taliska Booliska magaalada Baydhabo ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda amni ee magaalada, kaddib xiisado iyo dagaallo dhawaan dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo, Cali Taagey, ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada ay hadda deggen tahay, isaga oo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan xasillooni ayna sii joogaan guryahooda.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli la sheegay in qaar kamid ah dadka ku nool Baydhabo ay bilaabeen inay magaalada ka baxaan, kaddib xaaladihii amni ee maalmihii lasoo dhaafay. Taliyaha Booliska ayaa sheegay in dadka baxaya ay qayb kamid ah yihiin dad hore ugu yimid Baydhabo iyagoo barakacaya.

Cali Taagey wuxuu shacabka u xaqiijiyay in ciidamada ammaanku ay ku howlan yihiin sugidda amniga magaalada, isagoo xusay in dhacdooyin khaladaad ah ay meel kasta ka dhici karaan, balse aysan taasi ka dhignayn in guud ahaan Baydhabo ay ka jirto xaalad amni-darro.

Taliyaha ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay rasaasta gudaha magaalada, isagoo digniin u jeediyay askarta hubka ka ridda goobaha ay shacabka ku nool yihiin. Wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in talisyada ciidamada ay si dhow u xakameeyaan askartooda, isla markaana tallaabo laga qaado cid kasta oo ku xadgudubta shacabka ama amniga magaalada.

Xaaladda Baydhabo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahayd mid xasaasi ah, kaddib iska horimaadyo hubeysan oo magaalada ka dhacay, kuwaas oo sababay walaac ku saabsan amniga iyo mustaqbalka xasilloonida caasimadda Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, ayaa dib ugu laabtay Baydhabo kaddib markii uu muddo ku sugnaa Muqdisho. Intii uu ku sugnaa caasimadda Soomaaliya, madaxweynaha ayaa kulamo la yeeshay madaxda dowladda federaalka, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo kordhay Koonfur Galbeed.

Soo laabashada Aadan Madoobe ee Baydhabo ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada ay u baahan tahay xasillooni siyaasadeed iyo amni, si shacabka iyo adeegyada bulshada ay si caadi ah ugu shaqeeyaan.

Taliska Booliska ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan wararka aan la hubin, ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, iyadoo mas’uuliyadda ilaalinta nabadgelyada magaalada ay ku jirto gacanta hay’adaha ammaanka iyo shacabka oo iskaashanaya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™