• Home  
  • Xubin AS ah oo CXDS ay Gacanta ku dhigeen.
- WARARKA

Xubin AS ah oo CXDS ay Gacanta ku dhigeen.

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Sh/hoose ayaa Gacanta ku dhigay Xunin sare oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka AS kaas oo ka soo goostay ragiisii oo mudo uu ka barbar dagaalamayey.  Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah ayaa isu soo dhiibay Ciidamada Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Sh/hoose gaar ahaana Ururka […]

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Sh/hoose ayaa Gacanta ku dhigay Xunin sare oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka AS kaas oo ka soo goostay ragiisii oo mudo uu ka barbar dagaalamayey.

 Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah ayaa isu soo dhiibay Ciidamada Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Sh/hoose gaar ahaana Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October Ciidamada Gacanta ku dhigay ayaana halkaas ku soo dhoweeyey waxa ayna u sheegeen inaysan jirin cid wax yeelayn doonta.

Ninkaan ayaa sida Saraakiishu xaqiijiyeen Baaris la sameeyey lagu ogaaday inuu Maleeshiyaadka AS uga biiray Gobolka Sh/dhexe horaantii sanadkii 2024 ka dib markii uu ku tashkiiliyey Nin kale oo ay Qaraabo dhow yihiin xogta laga helay waxaa ka mid ah inuu ka soo dagaalamay Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe halka uu iska soo dhiibana loo keenay Gurmad.

Ma cusba in xubno ka tirsan Maleeshiyaadka AS ay isu soo dhiibaan Ciidamada Xoogga Dalka ee furimaha ku sugay dhalinyada ku biirta AS ama la shaqeeya ayaa marka ay wajahaan Duruufaha Nolosha waxa ay noqdaan kuwo isaga soo taga inkastoo qaarkood dhex laga celiyo ama uu fashilmo soo goosashadooda ay halkaas ka soo baxsanayaan

Dolada Soomaaliya ayaa u samaysay Xarumo lagu dhaqan celiyo isi soo dhiibayaasha ka yimaada dhanka AS kana soo baxa Garankooda waxaana la marsiiyaa hab-raac u dagsan Hay’ada Tubsan ee isi soo dhiibayaasha qaar badan ayaana la fasaxaa marka waqtiga hayntu u dhamaado.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™