• Home  
  • Khilaafka Doorasho ee Somalia Heerkiisa.
- SIYAASADDA - WARARKA

Khilaafka Doorasho ee Somalia Heerkiisa.

Dowladda iyo mucaaradka oo isku mari la’ hannaanka doorashada, halka beesha caalamka ay ka muujisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Waxaa cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli aan weli la isku raacsaneyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradka ay […]

Dowladda iyo mucaaradka oo isku mari la’ hannaanka doorashada, halka beesha caalamka ay ka muujisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Waxaa cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli aan weli la isku raacsaneyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradka ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin hannaanka loo wajahayo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaamayaan mid shacabka Soomaaliyeed siinaysa fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.

Hase yeeshee, xubnaha mucaaradka ayaa si cad uga hor yimid qorshahaasi, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay si keligeed ah u maamuleyso arrimaha doorashada iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulamo dhowr jeer dhex maray dowladda iyo mucaaradka ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, waxaana sii xoogeysanaya ismaandhaafka siyaasadeed ee hareeyay hannaanka doorashada.

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in aysan Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud u aqoonsaneyn madaxweyne sharciyad buuxda leh, balse ay u arkaan hoggaan xilkiisu dhammaaday oo ku sii jooga qaab xilgaarsiin ah.

Dhanka kale, beesha caalamka oo taageero weyn siisa Soomaaliya ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka iyo wax-ka-bedelka dastuurka.

Saaxiibada caalamiga ah ayaa ku baaqay in dhinacyada siyaasadda ay gaaraan heshiis loo dhan yahay si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan hor leh.

Dowladda ayaa maamulka Koonfur Galbeed dhowaan ka qabatay doorasho ay guul weyn ka gaareen xubnaha xisbiga talada haya, halka Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo bixinta kaararka codbixinta, iyadoo dowladda federaalku qorsheyneyso doorasho dadweyne oo laga hirgeliyo deegaannada maamulkaasi.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo indhaha shacabka iyo beesha caalamkuba ay si dhow ula socdaan halka uu ku dambeyn doono muranka hareeyay doorashooyinka iyo mustaqbalka dowladnimada dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™