• Home  
  • Qodobada Qoor Qoor ku xiray wadahadlka.
- WARARKA

Qodobada Qoor Qoor ku xiray wadahadlka.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa Ergada ka socotay Villa Somalia u gudbiyay saddex qodob oo xasaasi ah, iyadoo kulankii maanta aanu wax heshiis ah kasoo bixin balse dib loo balamay. Dhuusamareeb 25/5/2026: Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa qodobo xasaasi ah hor dhigay ergada ka socota Villa Somalia, kuwaas oo uu soo […]

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa Ergada ka socotay Villa Somalia u gudbiyay saddex qodob oo xasaasi ah, iyadoo kulankii maanta aanu wax heshiis ah kasoo bixin balse dib loo balamay.

Dhuusamareeb 25/5/2026: Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa qodobo xasaasi ah hor dhigay ergada ka socota Villa Somalia, kuwaas oo uu soo diray Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Raggan oo ahaa afar xubnood, kana koobnaa laba Sanatar iyo Xildhibaano, ayaa maanta la kulmay Axmed Qoor Qoor, waxayna u dhiibeen fariinta ay ka sideen Xasan Sheekh Maxamuud, balse Qoor Qoor ayaa miiska saaray ilaa saddex qodob, iyadoo aan weli la isku waafaqin dalabkiisa.

Qodobada Axmed Qoor Qoor ayaa kala ahaa:In la siiyo oo miiska loo saaro afar milyan oo uga baxday ololaha, isla markaana uu dib ugu soo laabto, balse Xasan Sheekh ayaa ka horyimid arrintaas.In haddii Galmudug isaga laga dhaafsiiyo aan Madaxwayne looga dhigin Liibaan Axmed (Liibaan Shuluq).In la isu keeno beelaha reer Galmudug lana qabto shir weyn oo looga tashanayo aayaha Galmudug.

Xubnaha wada-hadalka kula jiray ayaan dhammaan qodobadaas jawaab waafi ah ka bixin, iyadoo kulankaasi lagu kala kacay balse dib loo balamay. Sanatar Dhagdheer oo hoggaaminayay ergadan ayaa yiri, “Waan isku soo laabaneynaa,” wuxuuna ahaa ninka kaliya ee dhageysanayay hadalka Qoor Qoor kana shaqeeyay in kulankaasi qancsamo.

Ugu dambayn, sida ay heshay Warbaahinta Dunida Maanta, Axmed Qoor Qoor ayaa gacanta ku haya qorshihiisa labaad haddii wada-hadalku fashilmo, kaas oo ah inuu ku dhawaaqo ka bixitaan rasmi ah oo uu ka baxayo JSP, isla markaana uu Dhuusamareeb ama Gaalkacyo isugu yeero mucaaradka si wadajir ah ay uga soo horjeestaan Villa Somalia.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™