• Home  
  • Kulanka Amniga oo Dhusamareb ka dhacay.
- WARARKA

Kulanka Amniga oo Dhusamareb ka dhacay.

Beesha Caasimada Galmudug ee Dhusamareb ayaa si adag uga hadlay kana soo horjeestay cid kasya oo amaanka Magaalada wa u dhibaysa waxa ayna beeniyeen in Maleeshiyaad ku abtirsada la soo abaabulay taasoo ay been abuur ku sheegeen. Kulan ay maanta oo taariikhdu tahay 29/05/2026 ay caasimadda Galmudug ku yeesheen waxgaradka beesha Yabardhowrakece sida odayaasha, aqoonyahanka, […]

WhatsApp Image 2026 05 29 at 161544 1

Beesha Caasimada Galmudug ee Dhusamareb ayaa si adag uga hadlay kana soo horjeestay cid kasya oo amaanka Magaalada wa u dhibaysa waxa ayna beeniyeen in Maleeshiyaad ku abtirsada la soo abaabulay taasoo ay been abuur ku sheegeen.

Kulan ay maanta oo taariikhdu tahay 29/05/2026 ay caasimadda Galmudug ku yeesheen waxgaradka beesha Yabardhowrakece sida odayaasha, aqoonyahanka, saraakiisha iyo siyaasiyiinta beesha, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada caasimadda iyo taageeridda hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah.

Kulanku wuxuu si adag u adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga, wadajirka bulshada iyo in laga shaqeeyo xasilloonida deegaanka, iyadoo la garab istaagayo dadaallada lagu xaqiijinayo doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Beesha ayaa isku raacday qodobo muhiim ah sida taageeridda go’aannada Dowladda Federaalka ee ah doorashooyinka qof iyo cod ah, la shaqaynta laamaha amniga si loo ilaaliyo Amaanka caasimadda Galmudug, ka hortagga abaabul kasta oo daganaanshaha magaalada Dhuusamareeb wax loogu dhibayo iyo inaysan jirin cid magacooda ku matasha hubaynta maleeshiyaadka aan sharciga ahayn.

Shirkan ayaa nuxurkiisu ahaa in laga hortago wax walba oo Bulshada iyo amniga magaalada ka hor imaanaya si looga fogaado qalqalgelinta bulshada.

Kulamada amniga looga hadlayo ee u dhexeeya laamaha amniga iyo bulshada ayaa muhiimad siinaya Nabada magaalada, iyadoona Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda si weyn ay uga socoto u diyaargarowga doorashooyinka. Beesha ayaana sii wadi doonta shirarka iyo kulamada taageeraya amniga iyo deganaanta.

WhatsApp Image 2026 05 29 at 161544
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161543 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161543
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161542 2
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161542 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161542
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161541 3
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161541 2
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161541 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161541
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161540 2
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161540 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161540
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161538 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161539
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161538
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161537 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161537
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161536 2
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161536 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161536
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161535 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161535
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161534 2
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161534 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161534
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161533 2
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161533 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161532 1
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161532
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161533
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161545
WhatsApp Image 2026 05 29 at 161544 1

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™