• Home  
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar ka Daah-furay Mashaariic Horumarineed iyo Xarumo Dowladeed.
- WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar ka Daah-furay Mashaariic Horumarineed iyo Xarumo Dowladeed.

Wafdiga Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Jowhar waxa uuna ahaa mid aan loo kala harin Reer Jowhar sidoo kale waxaa Madaxwaynaha Socdaalkan ku wehlinayey Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Dowlada. Jowhar, Juun 11, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo […]

Wafdiga Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Jowhar waxa uuna ahaa mid aan loo kala harin Reer Jowhar sidoo kale waxaa Madaxwaynaha Socdaalkan ku wehlinayey Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Dowlada.

Jowhar, Juun 11, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu ka daah-furay mashaariic horumarineed iyo xarumo dowladeed oo muhiim ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen. Labada mas’uul ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Qasriga Madaxtooyada Hirshabeelle oo si casri ah loo dhisay, xarumaha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda, iyo sidoo kale waddooyin laami ah oo loogu talagalay in lagu horumariyo bilicda magaalada iyo isku socodka shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumeyso dadaallada ay wadaan madaxda Hirshabeelle ee lagu xoojinayo adeegyada dowladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadidda adeegyada ay helaan bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Hirshabeelle iyo xarumo kale oo dowladeed, kuwaas oo la filayo inay door muhiim ah ka qaataan tayeynta maamulka, hufnaanta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa tilmaamay in mashaariicdan ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu horumarinayo kaabeyaasha dowladnimada iyo adeegyada aasaasiga ah ee shacabka, si loo xoojiyo hannaanka maamulka iyo horumarka gobolka.

Dhanka kale, safarka Madaxweynaha ee Jowhar ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka. Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ayaa muujiyey walaac iyo diidmo ku aaddan habraacyada doorashooyinka ee ay dowladda federaalku waddo, arrintaas oo sii hurisay doodaha siyaasadeed ee ku saabsan jihada geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in ay sii wadeyso dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda gobollada dalka, iyadoo mashaariicda maanta laga daah-furay Jowhar loo arko kuwo muhiim u ah horumarka iyo dib-u-dhiska Hirshabeelle.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™