Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad. Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, safarka Agaasimaha NISA ayaa la xiriira dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo madaxda Villa Soomaaliya.
Dhusamareb 19/6/2026: Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Mahad Salaad uu u tagayo Dhuusamareeb sidii uu uga dhex abuuri lahaa isfaham iyo wada-hadal dhexmara labada dhinac, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka la xiriira arrimaha siyaasadda iyo geeddi-socodka doorashooyinka maamulka Galmudug.
Bilihii la soo dhaafay waxaa Dhuusamareeb gaaray wufuud kala duwan oo ka kala socday dowladda federaalka iyo dhinacyo kale oo siyaasadeed, kuwaas oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Si kastaba ha ahaatee, dadaalladaas ayaan la sheegin inay keeneen natiijo muuqata ama heshiis ay labada dhinac ku qanceen, waxaana la tilmaamayaa in wafdiyadaasi ay dib ugu laabteen iyagoo aan ku guuleysan yoolalkii loo diray.
Mahad Maxamed Salaad ayaa lagu tilmaamaa mas’uul khibrad u leh xalinta khilaafaadka siyaasadeed iyo isku soo dhowaanshaha dhinacyada kala aragtida duwan. Intii uu xilalka dowladda hayay, waxaa lagu xusuustaa doorarkii uu ka qaatay xalinta arrimo siyaasadeed oo muran badan dhaliyay, iyo dadaallo lagu dejinayay xiisado ka dhex jiray madaxda siyaasadda Soomaaliya.
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in Mahad Salaad uu xiriir wanaagsan la leeyahay qaar ka mid ah mucaaradka iyo madaxda dowlad-goboleedyada, taasoo marar badan u sahashay inuu kaalin muuqata ka qaato wada-hadallo iyo xalinta arrimo siyaasadeed oo cakirnaa. Waxaa tusaale ahaan loo soo qaataa dadaalladii lagu xalliyay khilaafyo hore oo dhex maray madax siyaasadeed oo saameyn ku lahaa dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa la sheegay inuu weli ku adkeysanayo in maamulka uu hoggaamiyo door muuqda ku yeesho arrimaha guddiyada doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee soo socda. Arrintaas ayaase la sheegay inay wajahday diidmo kaga timid dhinacyada kale ee ay khusayso, taasoo sii fogeysay fursadaha lagu gaari karo is-afgarad degdeg ah.
Labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa si isa soo taraysa u soo ifbaxayay khilaafka u dhexeeya labada dhinac, iyadoo xaaladdu noqotay mid si dhow isha loogu hayo. Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo shacabka Galmudug ayaa si weyn u sugaya natiijada ka soo baxda booqashada Mahad Maxamed Salaad iyo haddii uu ku guuleysan doono inuu wax ka beddelo xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Galmudug.
Imaanshaha Agaasimaha NISA ee Dhuusamareeb ayaa loo arkaa tallaabo cusub oo lagu raadinayo xal waara iyo is-afgarad siyaasadeed, waxaana maalmaha soo socda la filayaa inay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulamada uu la yeelan doono madaxda iyo dhinacyada ay arrintani quseyso.


