• Home  
  • Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq.
- WARARKA

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq.

Caabud-Waaq 27 Juun 2026: Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa gaaray magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo bulshada deegaanka. Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray magaalada […]

Caabud-Waaq 27 Juun 2026: Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa gaaray magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo bulshada deegaanka.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweynta kadib, Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Caabudwaaq ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo bulshada iyo qaybaha kala duwan ee deegaanka, kuwaas oo looga hadlay arrimo la xiriira nabadda, amniga, wadajirka bulshada iyo iskaashiga shacabka iyo hay’adaha amniga.

Kulamada uu Agaasimuhu la yeelanayo bulshada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida degmada Caabudwaaq iyo guud ahaan waqooyiga gobolka Galgaduud. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo hay’adaha amniga ay yeeshaan wada-shaqeyn joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarka deegaanka.

Socdaalka Mahad Maxamed Salaad ee magaalada Caabudwaaq ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa bulshada, hay’adaha amniga iyo Dowladda Goboleedka Galmudug, si loo sii adkeeyo nabadda loogana hortago wax kasta oo sababi kara khilaaf ama caqabad ku timaadda xasilloonida deegaanka.

Bulshada Caabudwaaq ayaa muujisay soo dhoweyn iyo taageero ay u hayaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo dawladnimada, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta shacabka iyo dowladda.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada nabadda iyo sidii loo ilaalin lahaa wadajirka bulshada. Waxay sidoo kale adkeeyeen in iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga uu muhiim u yahay horumar waara iyo xasillooni.

Mahad Maxamed Salaad ayaa door muuqda ka qaatay dadaallada lagu xalinayo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, iyadoo arrimahaasi ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo wadajirka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Dhinaca kale, Galmudug ayaa la filayaa inay ka dhacdo doorasho bilaha soo socda, waxaana socdaallada iyo kulamada noocan ah ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo diyaar garowga arrimaha la xiriira mustaqbalka maamulka.

Socdaalka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee magaalada Caabudwaaq ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola xiriiro bulshada, lana xoojiyo doorka shacabka ee ilaalinta nabadda iyo amniga.

W/Q: Mubaarak Daacad

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™