Beledweyne 27 June 2026: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kaga qeyb galay munaasabadda lagu xusayay 49-guurada maalinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ku beegan 27-ka Juun sanad walba.

Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu maamuusayay taariikhda iyo halgankii shacabka Jabuuti ay u soo mareen hanashada xorriyadda, iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Hirshabeelle, xildhibaanno iyo marti sharaf kale.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa munaasabadda ka jeediyay hambalyo uu u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti, isagoo ku bogaadiyay horumarka iyo dadaallada ay ku tallaabsadeen tan iyo markii ay xornimada qaateen.
Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid gaar ah oo ku dhisan walaaltinimo, isku duubni iyo iskaashi soo jireen ah, kaas oo ka gudbaya xuduudaha juqraafiyeed ee labada dal.
“Jabuuti dowlad aan xuduud juqraafi leenahay kaliya ma aha. Waxaa naga dhaxeeya Diin, dhiig iyo dhaqan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo tilmaamay in labada shacab ay leeyihiin xiriir qoto dheer oo ku saleysan taariikh iyo isku xirnaan bulsho.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ka hadlay doorka muhiimka ah ee ciidamada Jabuuti ee ku jira howlgalada taageerada nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada loo yaqaan Hiil Walaal, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Mudane Fiqi ayaa xusay in ciidamada Jabuuti ay door muuqda ka qaateen taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha khatarta ku ah amniga iyo dadaallada dib loogu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada kala duwan.
“Ciidamada walaalaheenna Jabuuti waxay muujiyeen garab istaag dhab ah oo ay la garab istaageen shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag, waxaana mar walba xusuusan doonnaa kaalinta ay ka qaateen nabadeynta Soomaaliya,” ayuu sheegay wasiirku.
Munaasabadda waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Mudane Cismaan Dubbad, qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Ka qeybgalka masuuliyiinta Soomaaliyeed ee munaasabadda xorriyadda Jabuuti ayaa muujinaya xiriirka dhow ee labada dal ka dhexeeya iyo sida ay labada dowladood uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa muddo dheer wada lahaa xiriir ku dhisan derisnimo, walaaltinimo iyo iskaashi, iyadoo labada dal ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha amniga, horumarka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.


