• Home  
  • Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Tacsi u Diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti Geerida Wasiirkii Difaaca Xasan Cumar Maxamed Burhaan.
- WARARKA

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Tacsi u Diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti Geerida Wasiirkii Difaaca Xasan Cumar Maxamed Burhaan.

Muqdisho 16 July 2026: Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee dalkaas, kaddib geerida ku timid Wasiirkii Difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan. Qoraal tacsi ah oo uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga ayaa lagu […]

Muqdisho 16 July 2026: Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee dalkaas, kaddib geerida ku timid Wasiirkii Difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan.

Qoraal tacsi ah oo uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga ayaa lagu muujiyey murugada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la wadaagayso shacabka iyo dowladda Jabuuti geerida ku timid mas’uulkan sare, oo lagu tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye qaran oo muddo dheer si daacadnimo, karti iyo waddaniyad leh ugu soo adeegay dalkiisa.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan uu door muuqda ka soo qaatay horumarinta iyo casriyeynta hay’adaha difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo dadaal xooggan geliyey tayeynta ciidamada qalabka sida iyo kor u qaadista awoodda difaac ee dalkiisa. Waxa uu xusay in marxuumku uu ka mid ahaa masuuliyiintii hormuudka ka ahayd xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si gaar ah u xusay kaalinta muuqata ee uu marxuumku ku lahaa taageerada joogtada ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka mid tahay dalalka sida hagar la’aanta ah uga qeyb qaatay nabad ilaalinta Soomaaliya, isla markaana ciidamada dalkaas ay naf iyo maalba u hureen sidii loo sugi lahaa amniga iyo xasilloonida dalka.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo sidoo kale tacsi u gudbiyey Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti iyo ciidamada dalkaas ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo door muhiim ah ka qaata taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo sugidda amniga.

Wasiirka ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, hoygiisana ka dhigo Jannatul Firdowsa. Waxa uu sidoo kale Eebbe uga baryay qoyskiisa, ehelladiisa, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti inuu ka siiyo samir, iimaan iyo awood ay ku xamili karaan geerida naxdinta leh ee ku timid mas’uulkan qaran.

Gunaanadkii, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah, walaaltinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti. Soomaaliya waxay xustay in labada dal ay wadaagaan xiriir ku dhisan derisnimo, iskaashi amni iyo dan guud oo ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo geerida Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan lagu tilmaamay khasaare ku yimid Jamhuuriyadda Jabuuti iyo guud ahaan gobolka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™