Muqdisho, 25 Luulyo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, isagoo halkaas kula kulmay maamulka dekedda si looga wada hadlo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta dalxiiska iyo sare u qaadista adeegyada loo fidiyo dadka dalka u soo booqda.
Wasiirka ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Ameeriko, oo warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dekedda, howlaha socda iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada ay bixiso. Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo maamulka Dekedda Muqdisho, si loo abuuro jawi soo jiita dalxiisayaasha caalamiga ah.
Qodobka ugu muhiimsan ee kulanka laga hadlay ayaa ahaa sidii loo heli lahaa nidaam casri ah oo lagu diiwaangeliyo laguna tiro-koobo dalxiisayaasha ka soo gala dalka dhinaca Dekedda Muqdisho. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah qorsheynta iyo horumarinta adeegyada dalxiiska, maadaama xog sax ah ay dowladda ka caawin karto dejinta siyaasado wax ku ool ah iyo kobcinta dhaqaalaha ku tiirsan dalxiiska.
Sidoo kale, waxaa la isla falanqeeyay baahida loo qabo in la horumariyo adeegyada laga helo dekedda, si dadka dalka u yimaada ay u helaan soo dhoweyn wanaagsan iyo adeegyo waafaqsan heerarka caalamiga ah. Dowladda ayaa aaminsan in tayeynta adeegyada noocan oo kale ahi ay kor u qaadi karto sumcadda Soomaaliya, isla markaana dhiirrigelin karto dalxiisayaal iyo maalgeliyeyaal badan inay dalka yimaadaan.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho, isagoo bogaadiyay horumarka muuqda ee laga sameeyay kaabeyaasha dekedda iyo shaqooyinka ballaaran ee halkaas ka socda. Wuxuu xusay in dekeddu ay laf-dhabar u tahay dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana ay door weyn ka qaadato ganacsiga, isku socodka badeecadaha iyo kobaca dhaqaalaha guud ee dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’an tahay sidii caalamka loogu soo bandhigi lahaa sawirka dhabta ah ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dalka uu leeyahay fursado badan oo dhinaca dalxiiska ah, isla markaana uu ka socdo isbeddel muuqda oo dhinaca horumarka iyo amniga ah.
“Waxaa naga go’an Wasaarad ahaan inaan dunida u gudbinno muuqaalka wanaagsan ee Soomaaliya, horumarka ay dadka Soomaaliyeed gaareen, fursadaha dalxiis ee dalka iyo isbeddelka muuqda ee dhinaca amniga,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud.
Dhankiisa, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Ameeriko, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashada uu ku yimid dekedda, isagoo caddeeyay in maamulka dekeddu uu diyaar u yahay xoojinta wada-shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Wuxuu sheegay in maamulka dekeddu uu door muuqda ka qaadan doono dadaallada lagu horumarinayo dalxiiska, fududeynta adeegyada loo fidiyo dadka dalka soo booqda iyo hirgelinta nidaamyo casri ah oo sare u qaadaya tayada adeegyada.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in la isku xiro horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dalxiiska, iyadoo la adeegsanayo iskaashi dhex mara hay’adaha dowladda. Dowladda ayaa rajeynaysa in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay gacan ka geystaan kor u qaadista sumcadda Soomaaliya, soo jiidashada dalxiisayaasha iyo maalgelinta caalamiga ah, taasoo ugu dambeyn door muhiim ah ka qaadan doonta kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.


