Muqdisho, 25 Luulyo 2026: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar Cali (Balcad), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku soo bandhigay muxaadaro muhiim ah oo ku saabsan xaaladda diblomaasiyadda Soomaaliya iyo guulaha ay Wasaaraddu gaartay afartii sano ee la soo dhaafay.
Muxaadaradan oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa qeyb ka ahayd dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo aqoonta diblomaasiyadda, kor loogu qaadayo fahamka arrimaha dibadda iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorka muhiimka ah ee diblomaasiyaddu ku leedahay horumarka iyo danaha qaranka.
Waxaa munaasabadda ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan, shaqaalaha Wasaaradda, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo arday ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho. Ka qeybgalayaasha ayaa si dhow ula socday bandhigga iyo warbixinnada la xiriiray waxqabadka Wasaaradda iyo jihada siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.
Intii uu socday bandhigga, Wasiiru-dowlaha ayaa si faahfaahsan uga hadlay horumarka laga gaaray xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dalalka saaxiibka la ah iyo hay’adaha caalamiga ah. Wuxuu tilmaamay in Wasaaraddu mudnaan gaar ah siisay kobcinta xiriirrada laba geesoodka ah iyo kuwa dhinacyada badan, kuwaas oo sare u qaaday iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.
Sidoo kale, muxaadarada waxaa lagu soo bandhigay dadaallada lagu horumarinayo diblomaasiyadda dhaqaalaha, taas oo lagu doonayo in Soomaaliya ay soo jiidato maalgashi, kobciso iskaashiga ganacsi iyo fursadaha horumarineed ee la xiriira dhaqaalaha dalka. Waxaa la xusay in diblomaasiyadda casriga ahi aysan ku koobnayn oo keliya xiriirrada siyaasadeed, balse ay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta fursadaha shacabka Soomaaliyeed.
Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale iftiimiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku ilaalinayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in arrimahaasi ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.
Dhanka kale, waxaa lagu falanqeeyay tallaabooyinka lagu xoojinayo sumcadda iyo kaalinta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, iyadoo la muujiyay in dalka uu dib u soo ceshanayo kaalintiisii diblomaasiyadeed, isla markaana uu si firfircoon uga qeyb qaadanayo shirarka iyo madallada caalamiga ah ee looga arrinsado nabadda, amniga iyo horumarka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda uga go’an tahay hirgelinta mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo iskaashiga ay dalka la leeyihiin dowladaha saaxiibka ah, ururrada gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah. Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay in iskaashigaasi uu door weyn ka qaadanayo taageeridda nabadda, xasilloonida iyo horumar waara oo Soomaaliya ka hirgala.
Gabagabadii, ka qeybgalayaashii muxaadarada ayaa ku tilmaamay madasha mid muhiim u ah is-weydaarsiga aqoonta iyo fahamka siyaasadda arrimaha dibadda, iyagoo xusay in kulamada noocan oo kale ahi ay sare u qaadaan wacyiga bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo ardayda, isla markaana ay gacan ka geystaan diyaarinta jiil aqoon durugsan u leh diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.


