Sh/hoose 26 July 2026: Ururrada 141-aad, 144-aad iyo 145-aad ee ka wada tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo garabsanaya cutubyo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ee ka hawlgala aagga magaalada Marka, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal ballaaran oo lagu ciribtiray beero lagu beerayay maandooriyaha xashiishka. Howlgalkan ayaa ka dhacay dhul beereed u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay ciidamada ammaanka ku xoojinayaan la dagaallanka wax kasta oo halis ku ah amniga, caafimaadka bulshada iyo xasilloonida deegaanka. Ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday ku guuleystay inay nadiifiyaan dhulal lagu beerayay xashiish, iyagoo burburiyay beerihii maandooriyaha si looga hortago sii socoshada wax-soo-saarkiisa.
Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Cismaan Muuse Maxamed, ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu daba socday awaamiir hore loo soo saaray oo si cad u mamnuucayay in aagga magaalada Marka iyo deegaannada ku dhow lagu beero maandooriyaha xashiishka. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada loo igmaday fulinta amarkaasi ay gutaan waajibaadkooda, islamarkaana ay sii xoojin doonaan tallaabooyinka looga hortagayo beerista iyo faafinta maandooriyaha.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in howlgalka uu yahay mid lagu ilaalinayo sharciga, laguna xaqiijinayo in dhulka beeraleyda looga faa’iideysto wax-soo-saarka dalagyada muhiimka u ah bulshada, halkii laga beeri lahaa maandooriye saameyn taban ku leh bulshada iyo amniga guud.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay isqabqabsi iyo muranno ka dhashay dhul beereedyo ku yaalla inta u dhexeysa Janaale iyo Marka Caddey. Khilaafaadkaas ayaa ka dhashay beero la sheegay in lagu beerayay xashiish, waxaana arrintaasi ay dhalisay xiisado dagaal oo u dhexeeyay beeraley isku heysatay lahaanshaha iyo ka faa’iideysiga dhulkaas.
Guutada 14-ka October ayaa dhawaan ku guuleysatay inay kala dhex gasho dhinacyadii is hayay, iyadoo qaboojisay xiisaddii taagneyd si looga hortago isku dhac hubeysan oo ka dhaca deegaanka. Tallaabadaas ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, maadaama khilaafaadka noocan oo kale ah ay fursad u abuuri karaan kooxaha Khawaarijta inay ka faa’iideystaan xaaladaha amni darrada.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa adkeeyay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo beeraha maandooriyaha iyo dhaqdhaqaaq kasta oo khatar ku ah ammaanka shacabka. Waxay sidoo kale ugu baaqeen bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta beerista ama ka ganacsiga maandooriyaha.
Howlgalkan wadajirka ah ee ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo NISA ayaa muujinaya dadaalka ay dowladda federaalku ugu jirto sugidda amniga, xoojinta kala dambeynta iyo la dagaallanka falalka sharci darrada ah ee saameynta ku leh bulshada. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgalada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa si buuxda looga ciribtiro beerista maandooriyaha iyo wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida gobolka Shabeellaha Hoose.


