• Home  
  • Golaha Wakiillada Dawladda WBS oo Maamuuska ka Xayuubiyay Shan Xildhibaan, Go’aan ka Soo Saaray Maxkamadaynta Saraakiil Maxaabiis ah.
- WARARKA

Golaha Wakiillada Dawladda WBS oo Maamuuska ka Xayuubiyay Shan Xildhibaan, Go’aan ka Soo Saaray Maxkamadaynta Saraakiil Maxaabiis ah.

Laascaanood, 26 July 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya (WBS), Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan), ayaa shir guddoomiyay fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS. Fadhigan ayaa diiradda lagu saaray laba ajande oo muhiim […]

Laascaanood, 26 July 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya (WBS), Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan), ayaa shir guddoomiyay fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

Fadhigan ayaa diiradda lagu saaray laba ajande oo muhiim ah, kuwaas oo kala ahaa maamuus ka xayuubinta xubno ka tirsanaa Golaha Wakiillada iyo ka doodista qaraar ku saabsan maxkamadaynta saraakiil maxaabiis ku ah xabsiyada Dawladda WBS, kuwaas oo lagu eedeeyay falal la xiriira xasuuq iyo barakicin loo geystay shacabka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Golaha, kulanka waxaa soo xaadiray 57 mudane, taas oo buuxisay kooramkii sharci ee looga baahnaa in fadhigu ku qabsoomo, isla markaana go’aannada kasoo baxa ay yeeshaan sharciyad buuxda.

Intii uu socday fadhiga, Golaha Wakiillada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in maamuuska laga xayuubiyo shan xubnood oo hore uga tirsanaa Golaha. Xildhibaannada laga qaaday maamuuska ayaa kala ah:

  1. Makhtal Siciid Maxamuud.
  2. Cabdisalaan Cabdillaahi Cabdiraxmaan.
  3. Sidiiq Jaamac Muuse.
  4. Axmed Cali Maxamed.
  5. Axmed Caabi Xasan.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka maamuus ka xayuubinta ay u codeeyeen dhammaan 57-kii mudane ee fadhiga joogay, taas oo ka badan saddex meelood laba meelood tirada guud ee xubnaha Golaha Wakiillada, sida uu dhigayo habraaca iyo xeerarka Golaha.

Dhanka kale, Golaha Wakiillada Dawladda WBS ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraar ku saabsan saraakiil ka tirsan maamulka ay ugu yeereen maamulka gooni u goosatada ah ee Waqooyi Galbeed, kuwaas oo haatan ku xiran xabsiyada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Qaraarka Golaha ayaa dhigaya in saraakiishaasi la horgeeyo hay’adaha caddaaladda ee Dawladda WBS si loo mariyo hannaan maxkamadeed, iyadoo lagu eedeynayo falal ay Golaha ku tilmaameen xasuuq iyo barakicin loo geystay shacabka ku nool deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Goluhu wuxuu xusay in go’aankan uu salka ku hayo aragtidiisa ku aaddan ilaalinta caddaaladda iyo isla xisaabtanka, isla markaana uu muhiim u yahay in cid kasta oo lagu eedeeyo dambiyo culus ay marto hannaan garsoor oo waafaqsan shuruucda iyo nidaamyada jira.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Golaha Wakiillada uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, isla markaana uu ka shaqeyn doono arrimaha la xiriira maamulka, sharci dejinta iyo ilaalinta danaha shacabka.

Qoraalka ayaa ku soo dhammaaday in Golaha Wakiillada Dawladda WBS uu bulshada la wadaagayo go’aannada muhiimka ah ee kasoo baxa fadhiyadiisa, iyadoo Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Golaha uu xaqiijiyay in qaraarrada la ansixiyay ay dhaqan geli doonaan sida uu dhigayo sharciga iyo habraacyada Golaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™