Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Koowaad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo siyaasadda badaha dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo khayraadka badda, horumarinta gaadiidka badda, iyo kobcinta Dhaqaalaha Buluugga ah (Blue Economy).
Shirweynahan oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socda dowlad-goboleedyada, khubaro ku xeel dheer arrimaha badaha, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale, ayaa lagu tilmaamay madal muhiim u ah mideynta aragtida ku saabsan horumarinta iyo maareynta khayraadka badda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddii uu ka jeediyay furitaanka shirweynaha ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, taasoo leh khayraad dabiici ah oo baaxad weyn. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso sidii loo ilaalin lahaa madaxbannaanida biyaha dalka, loogana faa’iideysan lahaa kheyraadka badda si waafaqsan shuruucda dalka iyo heshiisyada caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in baddu ay tahay laf-dhabarta horumarka dhaqaale ee Soomaaliya, haddii si hufan loo maareeyo loogana faa’iideysto fursadaha ay xambaarsan tahay. Waxa uu tilmaamay in horumarinta kalluumeysiga, maalgelinta dekedaha, kobcinta gaadiidka badda iyo ilaalinta deegaanka badeed ay ka mid yihiin mudnaanta dowladda ee la xiriirta dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha ay muhiim u tahay sugidda amniga badda iyo la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, burcad-badeedda iyo falalka kale ee wax u dhimaya khayraadka dalka. Wuxuu xusay in iskaashi dhow oo dhex mara dowladda, bulshada iyo saaxiibbada caalamiga ah uu muhiim u yahay ilaalinta biyaha Soomaaliya iyo xaqiijinta in khayraadka badda uu noqdo mid ay ka faa’iideystaan jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka.
Inta uu socdo shirweynaha ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo siyaasadaha lagu horumarin karo dhaqaalaha buluugga ah, kor u qaadista maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha badda, horumarinta adeegyada gaadiidka badda, iyo sidii loo xoojin lahaa cilmi-baarista la xiriirta deegaanka iyo khayraadka badda Soomaaliya.
Ka qaybgalayaasha shirka ayaa sidoo kale la filayaa inay is dhaafsadaan aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii loo abuuri lahaa istaraatiijiyad qaran oo mideysan, taas oo horseedi karta ka faa’iideysi waara oo lagu sameeyo khayraadka badda, isla markaana lagu ilaalinayo deegaanka iyo noolaha ku jira biyaha Soomaaliya.
Shirweynaha Koowaad ee Badaha Soomaaliya ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo qorshaha dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama dhaqaalaha buluugga ahi uu ka mid yahay ilaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ay mustaqbalka ka heli karto koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo maalgashi. Waxaa sidoo kale la filayaa in qodobada iyo talooyinka ka soo baxa shirkan ay door muuqda ka qaataan dejinta siyaasado iyo qorsheyaal lagu horumarinayo maamulka iyo ilaalinta badaha Soomaaliya.


