Garoowe, 06 Agoosto 2026: Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta yeeshay kulan looga hadlay xaaladda amni ee maamulka, kaas oo lagu gaaray go’aanno la xiriira adkeynta amniga iyo ka hortagga falal lagu sheegay kuwo lagu khalkhal-gelinayo xasilloonida Puntland.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, islamarkaana uu ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo xubnaha Golaha Wasiirrada, ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee guud ahaan deegaannada Puntland iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loo xoojiyo amniga.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay howlgaladii amni ee ay maalmihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka Puntland ka fuliyeen qaybo ka mid ah magaalooyinka maamulka. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedkii kasoo baxay kulanka, howlgaladaasi ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen waxa maamulka Puntland ku tilmaamay “duullaan qorshaysan oo lagu doonayay in lagu khalkhal geliyo amniga iyo dowladnimada Puntland.”
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka Puntland uu eedeyntaas u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku andacooday in qorshahaasi uu ahaa mid lagu wiiqayo amniga Puntland. Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha Wasiirrada Puntland.
Goluhu wuxuu faray dhammaan hay’adaha ammaanka in aan gudaha deegaannada Puntland lagu dhex wadi karin ciidan ama gaadiid aan ka tirsaneyn hay’adaha amniga ee rasmiga ah ee maamulka. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay adkeynta amniga iyo ka hortagga dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa faray ciidamada ammaanka inay xoojiyaan howlgalada lagula dagaallamayo dambiyada ka dhaca xeebaha iyo biyaha Puntland, gaar ahaan burcad-badeedda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah. Golaha ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo inay ku xadgudubto biyaha Puntland laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.
Qodobka ugu weyn ee kasoo baxay kulanka ayaa ahaa go’aanka Golaha Wasiirrada ee lagu faray hay’adaha caddaaladda Puntland in loo gudbiyo magacyada siyaasiyiinta, saraakiisha iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falal lagu sheegay kuwo lagu khalkhal-gelinayo amniga iyo nidaamka dowladnimada Puntland.
Goluhu wuxuu sheegay in dadkaasi loo marsiin doono hannaan sharci ah, isla markaana hay’adaha garsoorka ay go’aan ka gaari doonaan eedeymaha loo jeediyay, iyadoo maamulka Puntland uu sheegay inuu ka go’an yahay ilaalinta amniga iyo dhaqangelinta sharciga.
Go’aannadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Puntland maalmihii u dambeeyay wadday howlgallo amni oo ka dhacay deegaanno kala duwan, kuwaas oo maamulka ku tilmaamay kuwo lagu sugayo amniga iyo xasilloonida.
Dhanka kale, weli ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan eedeymaha iyo go’aannada uu maanta soo saaray Golaha Wasiirrada Puntland.
DunidaMaanta.com waxay sii wadi doontaa la socodka xaaladda, iyadoo akhristayaasheeda la wadaagi doonta wixii warar iyo faahfaahin cusub ah ee kasoo kordha arrintan marka ay soo baxaan.


