• Home  
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeeray Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran.
- WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeeray Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran.

Muqdisho, Axad, 23 Agoosto 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026, oo lagu diyaarinayo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, […]

Muqdisho, Axad, 23 Agoosto 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026, oo lagu diyaarinayo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo saldhig u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee 2060, oo ah aragti ka timid madaxda sare ee dalka.

Howl-wadeennada diyaarinaya warbixinta wax-qabadka Xukuumadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay waxyaabihii ka hirgalay lixda tiir ee Xukuumadda, kuwaas oo kala ah amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, iyo garsoorka, iyadoo warbixintu muujisay koror weyn oo dhinac kasta ah.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in loo baahan yahay dadaal, midnimo, isku-duubni iyo wada-shaqayn, si bulshadu ugu tallaabsato horumar muuqda oo la taaban karo. Waxa uu xusay in loo socdo Soomaali mid ah, oo aysan argagixiso joogin, Soomaali barwaaqo ah oo khayraadkeeda lasoo baxday, dalkeedana maalgashatay.

“Waxa aan doonaynaa in laga wada shaqeeyo horumarka Qaranka, hirgelinta hiigsiga dalkeenna iyo midnimada ummadda. Waxa aan hubaa in meesha aan u soconno ay fog tahay oo aysan dhowayn. Weli kow ma joogno, waxa ina sugaya jid-dheer oo u baahan samir iyo adkaysi. Waxa aynu u soconnaa Soomaali mid ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda Warbixinta Wax-qabadka, ayaa sheegay in warbixintu qayb ka tahay dhaqanka la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran iyo shacabka Soomaaliyeed, si bulshada loogu soo bandhigo wax-qabad istus iyo i taabsii ah.

Waxaa Goobta ku sugnaa inta bada wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyadoona halkaas si wayn loogu soo dhoweeyey Raysulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi barre.

Warbixinta waxaa qayb ka ah diyaarinteeda dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyadoo warbixinta kama dambaysta ah loo gudbiyay Akadeemiyadda Goboleedka Afka iyo Dhaqanka, si loogu sameeyo tifaftir dhanka qoraalka iyo eray-bixinta afka Soomaaliga ah, maadaama ay tahay dhaxal-reeb ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™