• Home  
  • Ciidamada Dhusamareb Gaaray.
- WARARKA

Ciidamada Dhusamareb Gaaray.

Ciidamo Horleh oo la Geeyay Dhuusamareeb Xilli uu Sii Xoogeysanayo Khilaafka Qoor Qoor iyo Villa Soomaaliya. Dhusamareb:- 26/May/2026: Magaalada Dhuusamareeb waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka soo dhaqaaqay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen. Ciidamadan ayaa la sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso ciidamada […]

Ciidanka Gor Gor

Ciidamo Horleh oo la Geeyay Dhuusamareeb Xilli uu Sii Xoogeysanayo Khilaafka Qoor Qoor iyo Villa Soomaaliya.

Dhusamareb:- 26/May/2026: Magaalada Dhuusamareeb waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka soo dhaqaaqay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen.

Ciidamadan ayaa la sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso ciidamada kale ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka Galmudug, xilli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Villa Soomaaliya, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed iyo kan siyaasadeed ee labada dhinac.

Qaybta 21aad

Dhanka kale, sida wararka ay ku heshay Warbaahinta Dunida Maanta, waxaa sidoo kale jira ciidamo dheeraad ah oo ka imaanaya dhanka gobolka Hiiraan, kuwaas oo kusoo wajahan magaalada Dhuusamareeb.

Warar kale oo dheeraad ah ayaa tilmaamaya in duleedka magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan xeryaha ciidamada ee ku yaalla halkaasi, lagu uruurinayo ciidamo maleeshiyaad ah, inkastoo aan la ogeyn cidda ay hoostagaan ama dhinaca halkaasi geeyay ciidamadaas.

Galmudug waxaa ka aloosan xaalad kacsanaan siyaasadeed oo faraha kasii baxaysa, taasoo haddii aan la xakameyn u muuqata mid dalka gelin karta xaalad dagaal iyo isku dhac siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale muuqda jahawareer siyaasadeed oo baahsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa amni ay si weyn usii kordhayaan lamana oga halka xaalku dambayn doono Dadka wax odorosa ayaa sheegay in macquul ay tahay in dagaal dhaco.

Ugu dambeyn, sida xogta aan ku helnay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya in Madaxweyne Qoor Qoor aanu sii joogin xilka, isla markaana ay tahay “maalintii isbedelka”. Hase yeeshee, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa si cad uga horyimid arrintaas, isagoo sheegay in kursiga looga guuleysan karo oo keliya doorasho, ama isaguna uu ku guuleysan karo hannaan doorasho.

Galmudug Somalia

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™