• Home  
  • Afarta Juun oo Banaanbax lagu balamay ma dhici doonaa?
- WARARKA

Afarta Juun oo Banaanbax lagu balamay ma dhici doonaa?

Abaabulka Bannaanbaxa 4-ta Juun ayaa Ka Socda Muqdisho, Madaxda Mucaaradka oo Dhaqdhaqaaqyo Cusub Bilaabay waxa ayna sheegeen inay go’aan ka tahay qabashada isu soo baxaan. Iyadoo la filayo in 4-ta Juun ay magaalada Muqdisho ka dhacaan bannaanbaxyada ay ku baaqeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa waxaa caasimadda ka socda abaabul siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo […]

Abaabulka Bannaanbaxa 4-ta Juun ayaa Ka Socda Muqdisho, Madaxda Mucaaradka oo Dhaqdhaqaaqyo Cusub Bilaabay waxa ayna sheegeen inay go’aan ka tahay qabashada isu soo baxaan.

MVI 9969 100 00 00 05Still004

Iyadoo la filayo in 4-ta Juun ay magaalada Muqdisho ka dhacaan bannaanbaxyada ay ku baaqeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa waxaa caasimadda ka socda abaabul siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo sii xoogeysanaya oo ay wadaan xubnaha mucaaradka.

Warar laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, uu ka guuray guri uu ka deggenaa agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana uu u wareegay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in halkaas uu ka sii wadi doono isku-duwidda iyo hoggaaminta abaabulka bannaanbaxa la qorsheynayo.

Sidoo kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Hassan Ali Khaire, uu qorsheynayo inuu u guuro degmada Dayniile. Arrintan ayaa loo fasiranayaa in hoggaanka mucaaradku isku qaybinayo degmooyinka Muqdisho si loo xoojiyo abaabulka taageerayaasha iyo gaarsiinta fariimaha siyaasadeed ee ay xambaarsan yihiin.

Mucaaradka ayaa doonaya in bannaanbaxan uu noqdo mid si weyn u muujiya mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doodaha la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka, hannaanka maamulka dalka iyo mustaqbalka hay’adaha dowladda.

Dhinaca kale, weli si rasmi ah looma oga mowqifka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadan doonto bannaanbaxa la qorsheynayo, inkastoo maalmihii la soo dhaafay la dareemayay feejignaan amni oo sareysa iyo dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan hay’adaha ammaanka.

Horay dowladda ayaa u joojisay ama u xaddiday qaar ka mid ah isu-soo-baxyadii ay mucaaradku qorsheynayeen inay ku qabtaan qaybo ka mid ah gobolka Banaadir, taas oo dhalisay dood siyaasadeed iyo is-mariwaa u dhexeeya labada dhinac.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in bannaanbaxa la qorsheynayo uu noqon karo mid saameyn ku yeesha jihada siyaasadeed ee dalka, maadaama uu kusoo beegmayo xilli ay jiraan dooddo ku saabsan doorashooyinka iyo wadatashiyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo dhinacyada mucaaradka.

Indhaha shacabka iyo daneeyayaasha siyaasadda ayaa hadda ku wajahan sida ay wax u dhacaan maalinta 4-ta Juun iyo tallaabooyinka ay qaadaan dowladda iyo mucaaradka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qorshaha bannaanbaxa iyo jawaabta rasmiga ah ee dowladda.

Banaanbax

Mucaaradka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™