• Home  
  • Dowlada Somalia oo ka hadashay Arinta Garsoore Cumar.
- WARARKA

Dowlada Somalia oo ka hadashay Arinta Garsoore Cumar.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay caqabadihii sababay in Garsoore Cumar Cartan uu ka baaqdo tartanka Koobka Aduunka kaas oo laga soo celiyey Dalka Maraykanka dibna looguy celiyey Darlka Turkiga. Mogadishu: Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha […]

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay caqabadihii sababay in Garsoore Cumar Cartan uu ka baaqdo tartanka Koobka Aduunka kaas oo laga soo celiyey Dalka Maraykanka dibna looguy celiyey Darlka Turkiga.

Mogadishu: Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, kaddib markii loo diiday gelitaanka dalka Mareykanka.

Markii la xaqiijiyay in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira oggolaanshaha gelitaanka Mareykanka, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay si degdeg ah u bilowday dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran iyo wada-hadallo heerar kala duwan leh oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay’adda FIFA si xal loogu helo arrintan.

Inkasta oo la sameeyay dadaallo xooggan oo lagu doonayay in Garsoore Cumar Cartan loo fududeeyo ka qeybgalka tartanka, haddana nasiib darro ma suuragelin in xal laga gaaro waqtigii loogu talagalay. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay arrintan u aragtaa mid murugo leh, maadaama ay saameyn ku yeelatay fursad muhiim ah oo uu Garsooruhu ku matali lahaa dalkiisa, isla markaana uu ku muujin lahaa kartida iyo aqoonta ay Soomaaliya ku leedahay garsoorka kubadda cagta ee caalamiga ah.

Garsoore Cumar Cartan wuxuu astaan u yahay dadaalka, kartida iyo adkeysiga dhalinyarada Soomaaliyeed. Heerka uu ka gaaray garsoorka caalamiga ah wuxuu ka dhashay sannado badan oo shaqo adag, hufnaan iyo xirfad sare. Guulihiisa iyo horumarkiisa waxay sharaf u yihiin magaca Soomaaliya, waxayna caddeyn u yihiin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin inay gaaraan heerarka ugu sarreeya ee caalamka, inkastoo ay jiraan duruufo iyo caqabado badan oo ay la kulmaan.

Saacadihii iyo maalmihii la soo dhaafay, shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha iyo bulshada caalamka ee daneeya horumarka isboortiska ayaa si weyn uga hadlay dhacdadan. Dad badan ayaa muujiyay walaac iyo niyad-jab ku saabsan in garsoore Soomaaliyeed oo si rasmi ah loogu xushay tartan caalami ah uu ka maqnaado munaasabad muhiim ah sababo la xiriira arrimo socdaal iyo oggolaansho gelitaan.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay fahamsan tahay dareenka shacabka Soomaaliyeed, waxayna xaqiijineysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday dhammaan tallaabooyinkii suurtagalka ahaa si arrintan xal loogu helo. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay mar kale muujineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa garab istaagga iyo taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay u mahadcelineysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha iyo cid kasta oo muujisay taageero, dhiirrigelin iyo garab istaag ay la garab taagan yihiin Garsoore Cumar Cartan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in dhacdadan aysan hoos u dhigi doonin himilada iyo horumarka uu gaaray Garsooruhu, isla markaana uu sii ahaan doono mid ka mid ah wajiyada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ku metesha garsoorka kubadda cagta ee caalamka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™