Tababarkan oo laba Maalmood socanaya ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya Suxufiyiin iyo qaar ka mid ah Bulshada waxaana lagu qaadanayaa Casharro Muhiim ahiyo Doodo ku saabsan Dhaqangalka ka fogaanshaha Wararka Marin Habaabinta iyo Kicinta Bulsho abuuraya.

Ururka Suxufiyiinta Galmudug (GALJA) ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, ka daah-furay tababar laba maalmood soconaya oo ku saabsan warbixinta mas’uuliyadda leh iyo anshaxa saxaafadda xilliga baraha bulshada. Tababarkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya la-dagaallanka wararka been-abuurka ah, xogaha aan la hubin iyo hadallada naceybka ku saleysan ee saameynta ku yeelan kara bulshada.
Tababarka waxaa ka qeybgalaya 26 xubnood oo isugu jira wariyaal iyo wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah. Ka qeybgalayaasha ayaa ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ka mid ah dhalinyarada, haweenka, dadka naafada ah iyo ururrada ka shaqeeya nabadda, wada noolaanshaha bulshada iyo horumarinta bulshada.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo fahamka ka qeybgalayaasha ee ku saabsan muhiimadda warbixinta saxda ah, ilaalinta anshaxa saxaafadda iyo doorka ay warbaahintu ku leedahay dhismaha bulsho xog ogaal ah. Sidoo kale, waxaa xoogga la saarayaa sidii looga hortagi lahaa faafinta wararka been-abuurka ah iyo hadallada naceybka ah ee mararka qaar ku baaha baraha bulshada.
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle, oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka, ayaa sheegay in tababarkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay wariyaasha iyo ururrada bulshada rayidka ah. Wuxuu xusay in wararka been-abuurka ah iyo hadallada naceybka ahi ay khatar ku yihiin kalsoonida warbaahinta, xasilloonida bulshada iyo helitaanka xog sugan oo lagu kalsoonaan karo.

“Waa muhiim in ka qeybgalayaashu ka faa’iideystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada lagu wadaagayo tababarkan, si ay uga qeyb qaataan kor u qaadista warbaahin mas’uul ah oo u adeegta bulshada, kana shaqeysa baahinta xog sax ah oo la isku halleyn karo,” ayuu yiri Xoghayuhu.
Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan warbaahinta ka howl-gasha deegaannada Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), oo si rasmi ah u furay tababarka, ayaa bogaadiyay muhiimadda mowduucyada lagu soo qaatay. Wuxuu sheegay in tababarku ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan wararka been-abuurka ah iyo farriimaha horseedi kara kala fogaanshaha bulshada.
Wasiirku wuxuu ku boorriyay ka qeybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iideystaan casharrada, doodaha iyo aqoonta la is-weydaarsanayo muddada uu socdo tababarka, si ay door muuqda uga qaataan xoojinta saxaafad xirfad leh oo ku dhisan run, dhexdhexaadnimo, hufnaan iyo mas’uuliyad bulsho.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ammaanay dadaallada Ururka Suxufiyiinta Galmudug (GALJA) ee ku aaddan ilaalinta qiyamka saxaafadda, kobcinta xirfadaha wariyaasha iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya warbaahinta iyo ururrada bulshada rayidka ah. Wuxuu tilmaamay in dadaallada noocan oo kale ahi ay gacan ka geysanayaan horumarinta warbaahin xirfad leh oo bulshada u gudbisa xog sax ah, isla markaana door muhiim ah ka qaadata nabadda, wada noolaanshaha iyo horumarka bulshada.





























